HomeMadaxweynaha Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanka maxay iska yidhaahdeen Madax-dhaqameedkooda Somaliland ku sugan...

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanka maxay iska yidhaahdeen Madax-dhaqameedkooda Somaliland ku sugan iyo Natiijada Kooxda Muqdisho ku laabtay?

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

Hargeysa (SLpost)- Golaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee soo dhisay dawladda Federaalka ah, ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu kulankoodu ku soo beegmay ka dib markii ay magaalada Muqdisho dib ugu laabteen qaar ka tirsan Madax-dhaqameed Soomaaliya ka yimi oo Arbacadii hore soo gaadhay magaalada Hargeysa oo ay kulamo kala duwan kula yeesheen Madaxda Dhaqanka, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Ururrada Bulshada Somaliland

somaliaOdayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Somaliland booqashada ku yimi Arbacadii hore, ayaa qayb ka ah Golaha Dhaqanka Beelaha Soomaaliya ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, Golahaas oo ka kooban 135 Oday Dhaqameed, waxaana la sheegay kulankaas ay shalay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Odayaasha Dhaqanka oo intii uu socday aan Warbaahinta loo ogolaan in lagaga wada-hadlay qodobbo kala duwan, kuwaasoo la filayo inay ka mid yihiin warbixinta Odayaasha ka noqday Hargeysa ay Golaha Odayaasha siiyeen.

Kulankaas oo ahaa Casuumad qado ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyey Golaha Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya, ayaa ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana kulanka Odayaasha iyo Madaxweynuhu yeesheen qaatay wakhti saacado ah, ka dibna Madaxtooyada ayaa Warkooban ka soo saartay, hase-yeeshee qaar ka mid ah Odayaasha ayaa iyaguna ka hadlay waxyaabaha ay Madaxweynaha ka wadahadleen oo ay sheegeen inay isla soo qaadeen qodobbo badan oo ku saabsan guud ahaanba xaaladda dalka, arrimaha siyaasadda, horumarinta, xidhiidhka dalalka jaarka iyo kuwa caalamka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

“Madaxweynaha ayaa Odayaasha u sheegay iney iska soo xulaan Guddi loo tabobbaro xallinta khilaafaadka iyo heshiisiinta bulshada, kaaso aqoon iyo khibrad ka soo qaadan doona qaabkii loo xalliyay xasuuqii ka dhacay waddammo ka mid ah Afrika. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odayaasha arrimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen dhismaha aqalka sare (Gole Guurti), wuxuuna tilmaamay in arrintaas uu u gudbin doono Guddoonka Baarlamanka.” Sidaa ayaa lagu yidhi War kooban oo kulanka Odayaasha iyo Madaxweynaha dhex-maray markii uu dhammaaday laga soo saaray Madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankaa  Madaxweynaha Soomaaliya ugu yeedhay Odayaasha Dhaqanka, ayaa ku soo beegmay laba maalmood ka dib markii ay labaataneeyo ka tirsan Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee Somaliland yimi Arbacadii hore una badan intii ka socotay Beelaha Hawiye ay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka soo ambabaxeen, ka dib markii ay kulammo la qaateen Odayaasha Dhaqanka, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland.

Dhinacyada ay Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ka yimi la kulmeen, ayaa guud ahaan u muujiyey sida ay reer Somaliland uga go’an yihiin hirgelinta gooni-isu-taaggooda 23-jirsaday iyo helitaanka aqoonsi buuxa oo ay ka sugayaan Soomaaliya iyo guud ahaan dawladaha kale ee caalamka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories