HomeMadaxweynaha Somaliland oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Nuxurka...

Madaxweynaha Somaliland oo kulamo la yeeshay Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Nuxurka Kulamadooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti uu hoggaaminayo oo ka soo laabtay waddanka Shiinaha, ayaa magaalada Addis Ababa shalay kulammo kula yeeshay Dhiggiisa dawladda Itoobiya iyo Ra’iisal Wasaaraha dalkaas. Isla markaana, waxay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo dhawr ah.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, War-Saxaafadeedkaas oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Dawladda Fedraalka Itoobiya Mudane, Girma Wolde-Giorgis, iyo Ra”iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Ethiopia Mudane Meles Zenawi ayaa maanta kulammo gooni-gooniya xafiisyadooda, Qasriga Madaxtooyada ku qaabbilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo ku sugan xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Ugu horreyn Madaxweynaha dawladda Fedraalka ee Itoobiya Mudane, Girma Wolde-Giorgis, oo xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa, ayaa Labada Madaxweyne waxay kulankaa kaga wadahadleen xidhiidhka qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, ee arrimaha siyaasadda, nabadgalyada gobolka iyo guud ahaanba sii adkaynta iskaashiga & wax wada qabsiga labada dal.

Kulankaa labada Madaxweyne ka dib, Ra”iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka ee Ethiopia Mudane Meles Zenawi ayaa isaguna Xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftigiisa.

Ra”iisal Wasaaraha iyo Madaxweynuhu waxay si qoto dheer uga wada hadleen xidhiidhka siyaasadeed, nabadgelyo iyo Dhaqaale ee labada wadan. 

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Ra”iisal wasaaraha uga waramay xidhiidhkan Cusub ee iskaashiga dhinaca dhaqaalaha iyo Maalgashiga ee u bilawday Somaliland iyo Wadanka Shiinaha iyo Dalka Ethiopia. Waxaanu ku dheeraaday Madaxweynuhu Muhiimada nololeed, dhaqaale, ee  uu xidhiidhkani u yeelan doono Somaliland.

Ra”iisal wasaare Meles Zenawi ayaa isaguna dhiniciisa si weyn u soo dhaweeyey isla markaana xidhiidhkan maalgashiga ku tilmaamay mid muhiimad weyn u leh guud ahaanba mandaqada. 

Waxa Madaxweynaha kulamadan ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Madaxtooyada Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wasiirka Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud, Maareeyaha Dekedda Berbera Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL Mudane, Cali Axmed Cali, iyo Safiirka, Somaliland ee Addis Ababa Amb. Aden Nuux Duule iyo Safiir Ku-xigeenka Mudane, Ayaanle Salaad Diiriye.

Hargeysa News Desk

Somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories