HomeMadaxweynaha Somaliland oo Dawladda iyo Shacabka Turkiga ka tacsiyeeyay Geerida 270 Qof...

Madaxweynaha Somaliland oo Dawladda iyo Shacabka Turkiga ka tacsiyeeyay Geerida 270 Qof oo God Macdanta laga Qodo ku Shuf-beelay

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa dawladda iyo shacbiga dalka Turkiga ka tacsiyadeeyay khasaarihii balaadhnaa ee ka dhashay godad macdanta laga qodo oo dab qabsaday gelinkii dambe ee maalintii Salaasadii todobaadkan, halkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 270 oo qof.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca shacbiweynaha JSL, waxa uu ka tacsiyadeynayaa dawladda iyo shacbiga Turkiga muwaadiniintii wadankaasi ee ku naf waayay mid ka mid ah goobaha macdanta laga qodo oo dad qabsaday, iyadoo ay shilkaasi ku dhinteen ALLE ha u naxariistee dad ka badan 200 oo qof, halka wali ay socoto dedaalo lagu badbaadinayo illaa saddex boqol oo qof oo kale oo ku hoos jira godkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu dhambaal tacsi ah u diray Raysal wasaaraha Turkiga Md. Recep Tayyip Erdogan, waxaanu madaxweynuhu sheegay inay qaran ahaan dawladda iyo shacbiga Somaliland shilkaas dhimashada weyn keenay, dareen ahaanna ay xanuunka shilkaasi ka dhalatay ay la qaybsanayaan walaalahooda Turkiga.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu dadka shilkaasi ku dhintay ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, waxa kale oo uu EEBE uga baryay dadka baadi goobka loogu jiro ee ku hoos jira godadkaas macdanta inuu ILAAHAY ka samato bixiyo.”

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories