HomeMadaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo Shir Ballaadhan la yeeshay Ergadii ugu Badnayd...

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisa oo Shir Ballaadhan la yeeshay Ergadii ugu Badnayd ee Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti culus oo ku guda jira safarka uu ku joogo Gobolka Sool, ayaa shirkii ugu ballaadhnaa la yeeshay madaxdhaqameedka saddex gobol ee Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle.

siilanayoShirkan oo ka dhacay degmada Adhi-caddeeye ee Gobolka Sool galinkii dambe ee maanta, kana qaybgaleen madax badan oo ka tirsan Qaranka oo ay ka mid yihiin; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, wasiirro badan oo ka tirsan xukuumadda iyo boqolaal ka mid ah madaxdhaqameed, odayaal iyo waxgarad isaga kala yimi deegaamada Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle, waxa ujeeddadiisa guud ahayd sii ambo-qaadida gogoshii nabadeed ee Madaxweynuhu hore ugu fidiyey shacabka gobollada bari, waxaanna lagu gorfeeyey sidii bulshada gobolladaasi ay wax ula qabsan lahaayeen shacabka kale ee reer Somaliland, meelna looga soo wada jeedsan lahaa difaacadda iyo taageeridda qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana meel isula dhigi lahaa, uguna midoobi lahaayeen meelmarinta himilooyinka iyo wadajirka dal iyo dad ahaanba madaxbannaanida iyo Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

siiilaanyoShirka oo furitaankiisii khudbado laga jeediyey waxa ka hadlay wasiirro, Guddoomiyayaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo madaxdhaqameed fara badan oo kala matalayey ergada ka qaybgalay.

jjiUgu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo khudbad taariikhi ah ka jeediyey xidhitaankii shirkaasi, ayaa kaga hadlay tabashooyinka deegaannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle, Midnimada iyo wadajirka Ummadda, Diiwaangalinta, Adkaynta Nabadgalyadda iyo Horumarka, waxaannu halkaasi kaga dhawaaqay shirkii ugu baaxadda waynaa ee gogasha nabadda Gobollada bariga oo lagu qaban doono magaalada Burco 25/10/2016.

silanyo silanyoo silanyooo siilllanyo jji

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories