HomeMadaxtooyada oo sababaysay dib-u-dhaca ku yimi Safarkii Madaxweynaha ee Shiinaha oo haatan...

Madaxtooyada oo sababaysay dib-u-dhaca ku yimi Safarkii Madaxweynaha ee Shiinaha oo haatan dhowr maalmood ku sugan Addis Ababa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Madaxtooyada Somaliland, ayaa dib-u-dhaca iyo habsanka ku yimi wakhtigii loogu qorsheeyey in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu hoggaaminayaa ku tagaan dalka Shiinaha ku eedaysay Duuliyihii waday Diyaaraddii Weftigu ka raacay Hargeysa.

Waxa ay dib-u-dhacaas Madaxtooyadu dusha ka saartay Duuliyaha Diyaaraddii Madaxweynaha iyo Weftigiisa ka qaadday Hargeysa Axaddii toddobaadkan oo ay sheegtay inuu Weftiga u hooyey magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya, halkii ay isla habeenkaas ka gaadhi lahaayeen Caasimadda. Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Waxa kale oo War-Saxaafadeedkaas lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyeyba ku sugnaa Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo ay xalay Saqdii dhexe ka duuleen iyaga oo u sii jeeda dalka Shiinaha.

Sida lagu sheegay Warkaas, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo intii aanu duulin ka hor waxa uu Addis Ababa kulan muhiim ah kula yeeshay Shalay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Addis Ababa. War-Saxaafadeedka ka soo baxay Madaxtooyada oo kulankaas, kulammo kale iyo bixitaanka Safarka Madaxweynaha lagu faahfaahiyey, waxa uu u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu hogaaminaayo ayaa caawa Saqda dhexe ka duulaya Magaalada Addis-ababa ee Dalka Ethiopia iyaga oo u sii jeeda Magaalo Madaxda Wadanka Shiinaha.

Safiirka Waddanka Ingiriiska u fadhiya Magaalada Addis-ababa  ee Ethiopia Mr. Norman Ling, British Ambassador ayaa isaguna waxa uu ku soo bookhday madaxweynaha iyo weftigiisa Hotel-ka uu degan yahay ee Addis Ababa. Waxaanay Safiirka iyo Madaxweynuhu  kulankaa kaga wadahadleen Arrimo muhiim u ah xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada waddan ee iskaashiga dhinaca nabad-gelyada iyo dhaqaalaha.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha debadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa saaka (shalay) gelinkii hore kulan la yeeshay Wasiiru-dawlaha  Arrimaha debedda ee waddanka Ethiopia, kulankaas oo daba socoday kulammadii ay Wasaaradda arrimaha debedda Itoobiya la yeelatay Weftiga Somaliland ee ku sugan Addis Ababa.

kulankaas waxa ay labada dhinac kaga wadahadleen meel-marinta qodobbadii ay labada dhinac hore isugu afgarteen ee dhinacyada nabad-gelyada, ganacsiga iyo isu socodka labada shacbi ee labada waddan.

Weftiga Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay hore ugu qorshaysnayd in ay habeen hore ka duulaan Addis Ababa ayaa dib-u-dhac hal maalin ahi ku yimid Safarkooda. Madaxweynuhu Safarkiisa uu caawa (xalay) ugu kicitimayo waddanka Shiinaha waxa uu ku xidhiidhsan yahay dib u dhicii hore ee ay sababtay diyaaraddii uu Madaxweynuhu ka raacay Hargeysa oo keentay in uu habeen ku dhaxo Madaxweynuhu Diri-dhaba, taas oo sababtay in ay is riixaan ballamihii uu Madaxweynuhu la lahaa Masuuliyiinta iyo dawladaha uu kula kulmay Addis Ababa.

iyada oo ay kulamadaasi ahaayeen kuwo muhiimad weyn u leh danta dalka Somaliland oo aan la lumin Karin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories