HomeMaayirka Hargeysa oo dhagax-dhigay Xarun lagu Daryeelayo agoonta-Oo Uu Maalgalindoono MO...

Maayirka Hargeysa oo dhagax-dhigay Xarun lagu Daryeelayo agoonta-Oo Uu Maalgalindoono MO Faarax

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Hargeysa(SLPOST)Maayirka Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa dhagax dhigay xarun lagu xanaaneeyo caruurta agoomaha iyo dadka naafada ah oo uu maalgalin doono orodyahanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed  Faarax.

maayirka

Dhagax dhigay waxa ka soo qaybgalay maayirka Hargeysa, xildhibaano, xoghayaha dawladda hoose, muwaadiniinta ugu deeqay goobtan iyo dadka deegaanka xeedho ee laga hirgalinayo xaruntan.

“Waxaan samaynaynaa xarun uu hirgalinayo orodyahanka caanka ah ee Maxamed Faarax oo ah nin reer Somaliland u dhashay, dabadeedna si uu agoomaha wax ugu qabto ayuu u dhisayaa meeshii ay gali lahaayeen, meeshii waxbarashada iyo meeshii ay ku ciyaari lahaayeen”ayuu yidhi maayirka Hargeysa oo ka hadlayey dhagax dhiggay xaruntan lagu xanaanaynayo caruurta.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay Xoghayaha dawladda Hoose Mawliid Weris oo shacabka ku dhiirigaliyey inay dadka jecel inay wax qabtaan taageeraan, isla markaana wax la qabtaan.

Xildhibaan Cabdi Cali Yuusuf oo golaha deegaanka u qaabilsan degmada 26-ka Juun iyo koodbuur, ayaa soo dhoweeyey xaruntan laga hirgalinayo xeedho, isagoo ku amaanay qoyskii ugu deeqay dhulka laga dhisayo xaruntan lagu xanaanaynayo caruurta agoomaha ah.

Axmed Cali Guuleed, iyo Jaamac Cali Guuleed  oo ah labadda muwaadin ee ugu deeqay dhulkan ayaa soo dhoweeyey dhagax dhiga xaruntan, isla markaana sheegay inay talaabadan u qaadeen sidii ay bulshaddu kaga dayan lahayd.

Dhinaca kale, Maayirka Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa madaxweynaha ku hambalyey safarkaasi taariikhiga ah ee uu ku marayo goboladda dalka iyo booqashadii uu ku tagay Laasqoray.

maayirka hargeysa

Sidoo kale maayirku waxa uu ka hadlay safar shaqo oo uu ku tagay magaaladda Jabuuti ka dib markii uu marti qaad ka helay dhigiisa Jabuuti, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“walaahayga Jabuuti ayaa martiqaad noo soo fidiyey, waxaana maayirka Jabuuti inoo iman doonnaa bisha May, halkaasi oo aanu ku kala saxeexan doono mataanaynta labadda magaalo, maadaama oo jabuuti tahay wadan la aqoonsan yahay waxay wax naga siin doonaan baabuurtooda qashinka gura iyo wixii kale ee ay nagu caawin karan”.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories