HomeMaan Noqdeen Siyaasi – W/Q: Cabdifataah M. Axmed

Maan Noqdeen Siyaasi – W/Q: Cabdifataah M. Axmed

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Aad buu ugu Farxey Markii odayaasha reerkoodu ay u sheegeen in loo Xushey Qofka Beesha u meteli doona Xubinta ay Dawlada ku Yeelanayaan,Wuxuu ahaa Muwaadin Aqoonyahan ah oo Dhab ahaantii Diyaar u ahaa in uu Aqoontiisa wadanka uga faa’ideeyo.

Kani Aqoon ayuuba leeyahee Waxa Talada wadanka Gacanta loo geliyey Marar badan iyo Meelo badan Dad Heyb qabiil iyo Garasho Reernimo loo Xushey oo aan Wax kale lagu tixgelin.Laakiin Dhinaca kalena Aqoon Kastaa Maaha mid Siyaasi lagu noqdo ama kaa Dhigeysa.Talada Dadka iyo Xilalka Banaan Dad badan Ayaa ku ordaaya oo Raba,Kuwo kalena wey ka ordayaan oo Ma rabaan.Tolow labadaasi Iyamaa saxsan.Mise labaduba wey Khaldan yihiin.Nin aan Rabin oo aan Niyada ka Jecleyn Siyaasad,Iyo Xiltoona Maxey Odoyaasha iyo Beelaha ama Asxaabtiisu Dabka ugu dhex tuuraan,Marka danbena u wada Dhaliilaan.

Siyaasiga Lacagtiisa iyo Musuqmaasuqa Codadka dadka ku Fadhiya Kursiga,Siyaasiga Caruurta iyo Haweenku ay u codeeyeen,Siyaasiga Weligii aan ku fekirin Siyaasad ee Fursad dhaqaale iyo Magac u arkey In dumuquraadiyada Somaliland laga dhaxley Codna ku soo Baxey Ayaa siyaasi ah,Siyaasiga Odeyga Suldaanka ahi ku yidhi adiga ayaa Siyaasi ah uguna dhow reerka ee Xilka qabo Ayaa siyaasi ah,Siyaasi siyaasada la baraayo oo Tijaabo ku ah Xilka ayaa Hab maamulka bulshada ugu Matalaaya Siyaasi.Qofka Dhulkiisii,Lacagtiisii,Cadaalad daro,Musuqmaasuq,Qaadhaan beesha laga uruuriyey,Amaah iwm Kursiga ku bedeshay Ayaa Meelo badan lagu arki karaa.

Sacabka iyo Soo dhaweynta,Kamaradaha iyo Askarta ilaaladu ma wax laga tagaa,Rooga cas iyo Baabuurta waaweyni ma wax la diidaa,Lacagta badan iyo Amarka Beeshiinu ma wax la Nacaa,Weligii kumuu Fekirin siyaasi noqo,laakiin haddana maanta markuu soo dhexgalay ka bax isma laha.

Markii uu la wareegay Xilka aad ayaa loogu wada Farxey,Waxana lagu dhaariyey Kitaabka,Beeshiisa,Bulshada iyo Guud ahaan Wadanka oo dhan Ayaa laga soo dhaweyey,Markiise uu shaqada Bilaabey ee Guushii ay gacanta u geliyeen iyo Kursigii iyo taladii iyo Amarkii Ummada Ayuu in badan ka werweray Dhibta ay leedahay Guusha iyo Kursigan uu ku Fadhiyaa,Wuxuuna marar badan Xasuusan Jirey wakhtigii uu Shicibka iska ahaa iyo Xoriyadii iyo Farxadii uu ku Jirey.

Shaqaalaha haddi qaarkood ay  isku dhacaan ama uu Eryo waxa loogu dhigayaa Nin  qabiilkiisa raba in uu Meesha keeno oo Shaqaalihii kale caydhsanaaya,Haddii uu hadlo waxa loo Arkaa Muxaafid oo mucaarid ayaa daba dhiganaya,Marar badana waxa lagu odhan Jirey u Jawaab siyaasiga reerkiina oo wuu Jawaabi Jirey isaga oo Xilkiisa ilaashanaya.

Xafiiska Shaqada wakhtiyar ayuu Joogi Jirey wuxuuna inta badan ka Baxsan Jirey Asxaab ragg iyo dumarba isugu Jira oo wakhtiyada Shaqada u shaxaad iyo Jaad ama Shidaal iman Jirey,Maalinkasta waa Qof taagan oo Doonaya wuxuu rabaana ay tahay in Xoolaha ummada uu wasiirku wax ka siiyo,Kuwaasi oo Qudhana maaha dadka maalin kasta iyo Markasta Faraqa Heystaa ee waxa kale oo Dhinaca kale buuxa Tolkii iyo Suldaanadii soo Xushey siyaasigan oo Jaad,Shidaal,qadooyin iyo Lacago cadaan ahba uga bartey.

Dhalinyarta Reerka shaqo u raadi Ayaa markasta Loo sheegaa,Shirarka gaarka ah ee reerkana marka loogu yeedho waxa lagu canaanta in aanu sidii la rabey reerka waxba ugu qabanin,Dhul badan oo reerkooda qaar ka mid ah lagu heystana waxa laga codsadey in uu ka odayeeyo laakiin wuu ku Fashilmey,Arintaasina waxa ay keentay in Odoyaashii beeshiisu in ay olole ka dhan ah bedelkiisa galaan oo ay sugaan Isku shaandheynta danbe,Wuxuuna ula muuqdey nin aan lagu haleyn karin Arimaha beesha oo aan meteli karin Reerkooda,Ninka danta guud iyo Ummada xilkeeda loo dhaariyey Ayaa odoyaal leeyihiin wuxuu ku fashilmey in uu Reerka Danihiisa ilaaliyo.Siyaasiga sidaasi loo heysto ee la heysta ah Ma noqon laheyd,Maya haddey tahey haddaba siyaasad soomaliyeed waa Sidaasi ee ka taxadir,ogowna in inta badan Lacagta ummada dadkeenu ay yihiin kuwa la cuna kana doonta Siyaasiyiinta ee Maalin kasta dultaagan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories