HomeMAAMUL WANAAG (Good Governace) – W/Q: Abdifataax Bashiir

MAAMUL WANAAG (Good Governace) – W/Q: Abdifataax Bashiir

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

ABDIFATAH BASHERMaamul wanaaggu wuxuu yeelan karaa qaybo badan sida mid shaqsiyeed oo reer qura ku kooban ama mid wadareed sida maamulidda bulshoweyn leh deegaan iyo dal u gaar ah sida Somaliland. Qofka ama dadka wax maamulayaa waa in ay leeyihiin damiir wanaagsan, dareen alle kacabsi, khibrad maamul, aqoon diineed iyo tu maadi oo heer sare ah, waana in ay u dheer tahay dareen iyo garasho fog oo wadaniyad ku dheehan tahay
Nebi Muxamed(SAWS) wuxuu yiri ” qofkastaa waa raaci, waxaana Allaah-SWT kula xisaabtami doonaa wixii la raaciyay ama masuul looga dhigay qofkasta”. Kolka xaajada adduunka iyo maamulkeedu waa tu ka fog ama ka xeelad durugsan jaantaa rogan ! Waxaa kaloo aan bannaaneyn in wax lagu xukumo, maamulo ama dhaqo haddii aysan waaqfaqsaneyn manhajka alle soo dajiyay ee Al-Islam (dunida muslimka).
Qodobada muhiimkaa oo kamid ah maamul wanaaga
1. Akhlaaq wanaagsan ,damiir fiyow iyo alle kacabsi
2. Khibrad maamul dowladnimo, aqoon sare
3. Caddaaladda ijtimaacigaa oo la sugo lana xafido
4. Dastuurkii la degsado oo la raaco lana dhowro
5. Musuq maasuqa iyo khiyaanada oo laga fagaado
6. Qabyaaladda iyo qof jecleysiga oo laga dheeraado
7. Ilaalinta karaamadda dadka, dalka, hantidooda, iwm
Ugu dambeyntii, waxkasta oo salka ku haya musuq maasuq, eex, khiyaano, qabyaalad, anshax xumo, iwm, waa wax ka baxsan maamul wanaaga (good governance) waana wax usoo jiidi kara ummadda halaagyo baahsan sida haysta shacab fara badan oo dunida ku nool, maanta. Haddii aad eegtid musiibooyinka hareeyay dadweynaha Somaliland meel ay joogaanba gudo iyo dibadba, waxaad arkaysaa in dhibaatooyinkaasi salka ku hayaan:-
1. Maamul xumo baahsan
2. Anshax xumo xad dhaaf ah
3. qabyaalad gaamurtay
4. Musuq maasuq caadi laga dhigtay
5. Daciifnimo xagga caqiidada ah
6. Dareen la’aan wadanimo
7. Jaahwareer hiddo dhaqan bulsho iyo damiir suulay
Haddaba, waxaa Sunnada alle kamid ah in haddii waxaas fasahaad ah ay mujtamaca ama bulshoweynta ka dhex abuurmaan, in Allaah-SWT ku salido dadkaas musiibooyin sida dagaalo sokeeye, cadowyo kusoo duula oo laaya islamarkaasna booba hantidooda, kala irdhow ijtimaaci ah oo baahsan, jirooyin dawo loo waayo, fidnooyin kala soo darsa xagga caqiidada, dhulka iyo dadka oo waaya naxariista alle, iwm.
Sidaas awgeed, waxaad manta meelkasta ku arkaysaa calaamadahaas oo aan wanaagsanayn kowna ay ka tahay maamul xumada wadanka lagu maamulayo iyo cadaalada darada oo faraha ka baxday iyo maasuq maasuqa oo gaadhay halkii udarnayd abid

 

Aad baad umahadsantihiin saxaafada Somaliland

Qalinkii: Abdifatah Basher Hassan

Tell:0634079607

basherson@gmail.com

Burao, Togdheer, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories