HomeMaalgashiga Heshiis dawladda Shiinuhu Fulinayso oo Somaliland iyo Itoobiya ku dhex Maray...

Maalgashiga Heshiis dawladda Shiinuhu Fulinayso oo Somaliland iyo Itoobiya ku dhex Maray Dalka China

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Beijing, (Ogaal)- Dawladaha Somaliland, Shiinaha iyo Itoobiya, ayaa markii u horreysay kala saxeexanaya heshiis ballaadhan oo saddex geesood ah, kaasoo dhigaya in dawladda Shiinuhu samayso Jidad loogu talagalayo Tareennada, Waddooyin Laami ah iyo Dhuumo Saliidda qaada oo isku xidhi doona Dekadda magaalada Berbera ee Somaliland iyo waddanka Itoobiya.

blankWaxa kale oo heshiiskaas qayb ka noqon doona in Gaas iyo Saliid aan bislayn oo dalka Itoobiya leeyahay laga dhoofiyo Dekedda Berbera, taasoo Shiinuhu maal-gelin ku samayn doono, isla markaana Dhuumo Itoobiya ka soo qaada Gaastaa oo gaadhsiiya Dekedda Berbera dawladda Shiinuhu samayn doonto. Sidaana waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed xalay ka soo baxay Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo dhammaystiranina waxa uu u dhignaa sidan: “Weftigii uu hoggaaminaayay Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo gudo-galay hawlihii ay u tageen Waddanka Shiinaha ayaa illaa immika waxa ay gaadheen guulo ballaadhan, guulahaas oo ay iyaga iyo dawladda Shiinuhu iyo weliba Ethiopia isku afgarteen iskaashi dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.

Waxyaalaha ugu waa weyn uguna muhiimsan ee heshiiskan ka mid ka ah ee  ku jira waxa ka mid ah in Gaasta  Ethiopia laga dhoofiyo Dekedda Berbera, isla markaana waddanka Shiinuhu gacan ka geysto sidii loo samayn lahaa Dhuumihii  qaadi lahaa Gaasta Ethiopia ee gaadhsiin lahaa Dekedda Berbera.

Waxa kale oo laysku afgartay in Dekedda Berbera  laga sameeyo xarun ballaadhan oo lagu kaydiyo laguna sifeeyo Saliidda Ceedhin iyo Gaasta labadaba.

blankWaxa kale oo heshiiska ku jira in waddanka Shiinuhu uu Somaliland ka aqbalay inuu wax kala qabto ama ka fuliyo ballaadhinta Dekedda Berbera oo mashruucaasi uu yahay mid Dekedda Berbera ka dhigaya mid u adeegi karta Geeska Afrikada Bari oo dhan.

Waxa kale oo heshiiska ku jira waddooyinka xadiidka ah ee tareennadu Maraan  iyo waddooyin caadi ah oo isku xidhaaya waddanka Ethiopia iyo Somaliland. Heshiisyadan oo la kala saxeexanayo maalmaha soo socda waxa lagu kala saxeexan doonaa xaflad ballaadhan oo saddex geesood ah oo ay u dhan yihiin Waddammada Ethiopia, China iyo Somaliland

Maalgashigan iyo mashaariicdan ayaa noqon doona horumar laxaad leh oo lagu tallaabsaday oo wax weyn ka beddeli doona dhaqaalaha waddanka iyo nolasha bulshada guud ahaanba marka ay hirgasho ee ay dalka soo gaadho.”

Hargeysa News Desk

somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories