HomeMA ISAGAAD IGA JECLAATEY - W/Q: cabdiraxmaan cabdilaahi (Wirdaani)

MA ISAGAAD IGA JECLAATEY – W/Q: cabdiraxmaan cabdilaahi (Wirdaani)

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

wirdaaniAan umahad naqo marka hore rabi subxaanahuu watacaala ee inagu galadeystey nimcooyin badan, mahad Eebe kadib aan u daadago warkayga.

Ayaan waliba tilmaan leh, waxay aheyd sabti ulo badan, goorsheegtuna aheyd 7:00 subaxnimo, markii aan ka baxay gurigayga, si aan u aado shirkad ka mid ah shirkadaha wadanka ka ganacsada, danta aan ugu tageyna aheyd, si aan macluumaad uga soo qaato, maamulkoodana ula soo kulmo, maan garaneyn maamulka shirkada, laakiin waxaan maanka ku haystey inaan la kulmi doono, gaadhi ayaan sii raacay si uu ii gaadhsiiyo goobta shirkadu ku taaley, waan gaadhey meeshay dantaydu aheyd, dabadeed waan galay madashii, goobtu waa goob shaqo, dadka wax gadanaya iyo shaqaalaha ayaa is dhex socda, waxaan qooraansadey dhankayga bidix, waxay ishaydu qabatey jaranjar ku geyneysa dhismaha sare ee shirkada, degdeg ayaan u aaday si aan u koro.

Waan soo korey qeybtii labaad ee shirkada, madashu wey ka qurux badantahay tii hore ee aan ku sugnaa, kumaan mashquulin daawashada meesha,hawsha aan u imid ayaan sii watey, shaqaalihii goobta joogey ayaan mid ka mida su’aalay  xafiiska maamulka shirkadu mee? Waxa uu gacanta iigu fiiqay  kuraas ay labo qof ku fadhiyaan, waxaanu isii raciyey, markey labadaa qof galaan adna ku xig, waan u mahad celiyey waxaanan u kicitimey halkuu ii tilmaamay.

Markaan soo aaday halkaan fadhiisan lahaa, waxaaban gartey labadii qof mid ka mida, waa wiil xaafada ila daganaa, laakiin waxbarasho ugu maqnaa dibadda, wuxuu igula soo degdegay salaantii, ana si furan ayaan uga qaaday, waan la fadhiistey, ninka kale ee nala fadhiyey wuxuu ahaa ajaanib, waxaana u maleeyey inuu ahaa kiiniyaati, kadib maxaa dhacay?

Wiilkii ayaan su’aalay saaka maxaad u timid halkan? Wiilkii ayaa iigu jawaabay itixaan aan galay ayaan jawaabtiisii soo doontey, dib ayaan u su’aalay wiilkii anoo yaaban saxiibaw itixaanka habkii hore maa laga badaley, wiilkii isna iigu jawaabay magaranayo saaxiib, laakiin mudo badan ayaan jawaab la’aa, markaa saaka ayaaan u imid si uu maamulku iiga haqab tiro,  dabadeed anoo yaaban ayaaa ku idhi saaxiib alle hakuu fudeydiyo.

Intaanu labadayadu isku maqneyn, ee shakadu noo socotey, ayaa ileyn ninkii nala fadhiyey galay xafiiskii maamulaha shirkadda, arinkuu uu u socdeyna soo dhameystey soona baxay, waxay ishaydu qabatey isagoo ninkii ajaanibka ahaa sii sita waraaq ay ku xar dhantahay magaca shirkadu, dabadeed soo gala ayaa nalagu yidhi, hadda maanu wada socone ee garo, laakiin waxaan u fasirtey wada sheekeysigayagii ayey u qaateen inaanu wada soconey, adigu galaney xafiiskii maamulaha, kadib maxaa dhacay?

Gudoomiyihii shirkada ayaa si wacan noosoo dhaweeyey, wuxuuna na  weydiiyey maanta dhalinyaro maxaad u socoteen, wiilkii ayaa ugu jawaabay maanaan wada socon ee waanu kala soconey, wiilku isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, anigu waxaan usocdey itixaankii la qaaday bishii hore ayeydaan soo dhajin markaa jawaabtiisii ayaan doonayey? Wuxuu ugu jawaabay waa runtaa lama soo dhejin, laakiin qofka ku guuleysta waa lala soo hadlayey, nasiib wanaagna ninkii hada idin sii dhaafay ayaa ku guulaystey, wiilkii isagoo fajacsan ayuu gudoomiyihii ku yidhi horta la ilama soo hadlin, laakiin ninkan ajaanibka ahi ma isagaa nala galay itixaankiiba?  Waa runtaa isagu muu galin itixaan, laakiin waxa lagu qaatey isagoo ka yimid wadan aqoon leh iyo isagoo khibrad idin dheeraa, waxaan wiilkii loo raaciyey adeer arinkaasi wuu dhamaadey,  gudoomiyihii ayaa ana iweydiiyey waxaan u socdey? anoo fajacsan ayaan u sheegay danteydii, waxaan is weydiiyey adna muxuu ku odhan, laakiin nasiib wanaag wuu isiiyey warbixintii aan uga baahnaa.

Aniga iyo wiilkii ayaa xaafiiskii kasoo wada baxney, wiilka wajigiisa xanaaq ayaa ka muuqda, ilama hadlayo, ana ma jecli inaan ku furfuro arinka, waayo qeybna isgaa iiga sheekeeyey, inta kalana goob jog ayaan u ahaa.

Hadaba akhriste ma is weydiisey maxaa wiilkan looga doorbidey ajaanibkii? Haduu ka guuleystey xataa maxaa loo qancin waayey? Miyaanu wiilku joogin dalkiisii? Malaga yaaba inuu ka aqoon badan yahay kan laga raacay? Miyaanu wiilku ka aqoon deegaankan laga shaqeynayo? Ninkan ajaanibka ahi haddaa muu ka hawl karnimo badan yahay? Hadaa maxaa looga jeclaadey?

Arinkani waa dhibaato haysata dalkeena dhamaantii, waxaaban qabaa in shaqo la’aantan inoogu wacantahay kuwan inamadeenii iyo hablaheenii laga doorbidayo, runtii waxaynu u baahanahay kalsooni aunu ku qabno ubadkeena, hadaa maxaynu wax kasoo baraney, dawladuna waxa haboon iney ka yeelato mawqif cad, muwaadinkuna ku kalsoonaado ka la dhashay, waxaan idinku dhaafi farina iga ah, aynu aamino dalkeena iyo ubaxeena aqoonyahanka noqdey.

www.wirdaani.wordpress.com

wirdaani@yahoo.com

Alpha university

Hargeisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories