HomeKUMA AYUU AHAA NELSON MANDELA? - W/Q: Cabdiraxmaan Wirdaani

KUMA AYUU AHAA NELSON MANDELA? – W/Q: Cabdiraxmaan Wirdaani

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

TAARIIKHDIISI.

Nelson Rolihlahla Mandela waxa uu ku dhashay (Rolihlahla Dalibhunga) 1918, qabiilka Mandela ee uu ka dhashay dadka loo yaqaan (Thembu) ee dega tuulo yar oo ku taal bariga Capetown ee Koonfur Afrika, aabihii oo madax ka ahaa boqortooyadda qoyska Thembu, waxa uu dhintay Nelson Mandela oo sagaal jir ah, waxaana markaasi loo dhiibay inuu koriyo Caaqil u noqdo qabiilka (Jongintaba Dalindyebo).

Kadib waxa uu waxbaradsho ka bilaabay dugsi ku yaala gudaha gobalkiisa sanadii.1930 kadib waxa uu ku biiray jamacada harfort.laakin waxa uu ka baxay sanadii 1940, ka bixitaankaa jaamacadda waxa ay ka danbaysay kadib markii lagu eedeeyay in ay ka qaybgaleen mudaharaad arday madaw ahi ay samaysay. waxa la ogayahay in mandeela uu soomaray xili ardaynimo oo aad u adag.waxa uu soomaray iskuulo iyo jaamacaddo aad ubadan, waxa ay ahayd konfur afrika xiligaa mid ay hadheeyeen dhibaatooyin waawayni oo ay u wayntahay arintii midab kala sooca ka taagnayd, taas waxaaba ka sii darnaa xukuumaddii ay dadka yar ee cadaanka ahi lahaayeen waxa ay ku samayn jirtay dadka madaw in ay ka qaado dhulkooda, mandeela waxa uu bilaabay markaa mucaaradad iyo ka soo horjeed uu ka soo horjeeedo dawladii ay hogaaminayeen cadaanka tirada yari ay maamulayeen.

WirdaaniKa dib wuxuu ku biiray African National Congress (ANC) 1943, markii u ololeeyayna kadib wuxuu noqday aasaasihii iyo Madaxweynihii Ururkii Dhalinyarada ANC, ugu danbeyn markii sanado uu xidhnaa  oo gaadhayey 27 sano wuu soo baxay, waxuuna noqday Madaxweynaha Koonfur Afrika

Nelson Mandela waxa uu goorsaday xaaskiisi ugu horreysay Evelyn Mase, 1944. Waxa ay is fureen 1985 kadib markii afar caruur ah isku dhaleen.

 

XADHIGIISII.

madeela waxa la qabaty sandii.1962 iyada oo loo haystay in uu si sharci daro ah u safray waxaana lagu xukumay shan sano oo xadhiga ah, mar kale ayaa hadana sanadii.1964 la xukumay iyada oo loo haystay in uu ka danbeeyay mudaharaadyo iyo iyada oo lagu eedeeyay. Khiyaamo qaran waxaana lagu xukumay.madaxaa hakufurto, Isagoo xirnaa 27 sano, waa uu ku soo baxay, nasiib wanaag wuxuu noqday Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah iyo in uu ka cayaaro door hoggaameed nabadda dhinacyo jaarka oo khilaaf ka jiray.
Soo jiidashadiisa,dareenkiisa ah in aanu awooddiisa muujin iyo in aanu ka xumaan sida addag ee loola dhaqmay, iyo weliba taariikhda noloshiisa cajiibka lahayd, ayaa qeyb ka ah in uu noqdo nin adduunka oo dhan soo jiitay.

 

MADAXTINIMADIISII.

mandeela waxa uu ahaa hogaamiyaha xisbigiisa intii u dhaxaysay 1991-1997. waxa uu madaxwaynaha koonfur afrika noqday sanadii 1994.waxa uu xilka hayay ilaa 1999 markaas oo uu iskii uga tagatay, arinkaasi tusaale ku dayasho mudan umuu noqon hogaamiyaasha Africa ee manta joogaa ee kursiga macaansaday,

 

DHAMAADKII NOLOSHIISA.

Kadib markii uu ka degay Madaxweynenimadda 1999, Mr Mandela waxa uu noqday Danjirihii Koonfur Afrika ugu magaca dheeraa, sidoo kale wuxuu ahaa nin u ololeeyay la dagaallanka HIV/AIDS iyo inuu xaqiijiyay in dalkiisa uu marti geliyo Koobkii cayaaraha Adduunka 2010, sidoo kale uu ku hawlanaa wada xaajoodyada nabadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, Burundi iyo dalal kale oo Afrika ah.
2004 kii Mandela isagoo jira 85 waxa uu hawlgab ka noqday shaqadii bulshada si uu waqti dheeraad ah ula qaato qoyskiisa iyo saaxiibadii sidaas ayey ku soo dhamaatay noloshii faraxad iyo murugadda lahayd ee uu soo maray Nelson Rolihlahla Mandela.

 

wirdaani@hotmail.com

Blog: www.wirdaani.wordpress.com

 

Alpha University

Hargaisa Somaliland

Ka Tirsan: Bahda Naadiga Akhriska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories