HomeJabahadda ONLF oo Dagaaladii Gudaha Deegaanadda Somaliada Waji Cusub u Yeelay

Jabahadda ONLF oo Dagaaladii Gudaha Deegaanadda Somaliada Waji Cusub u Yeelay

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Ethiopia(SLpost)Ciidamada Dagaal yahanka ONLF ayaa waxa ay wadaan dagaalo sil-silado ah oo ay ku naafaynayaan Ciidamada Itoobiya ka jooga Ogaadeeniya.

onlf

Xoogagga ONLF ayaa dagaallo cul-culus oo ka dhacay Maygaagjiif oo degmada Danood ee Gobolka Doollo ka tirsan,Cadaadi oo xarunta Gobolka Faafan ee Jigjiga ka tirsan,Garloogube oo Doollo ka tirsan,Candhofidiye oo Xamaro ka tirsan,Cagoole oo degmada Sagag ka tirsan, Lafta-galoolka oo Garigo’an ka tirsan,Labiga oo Dhagaxbuur ka tirsan,Cali-fancad oo degmada Sagag ka tirsan,Bahnimadow oo Jigjiga ka tirsan, Baqdaad oo degmada Dh/buur ka tirsan,Kunya oo degmada Q/bayax ka tirsan ayaa war murtiyeed ka soo baxay Taliska ONLF ee Xarunta dhexe guulo waaweyn ku sheegtay isaga oo waxa uu ugu yeedhay “Ciidamada Cadow-ga ee naf-lacaariga ah” ay khasaare laxaadleh ugu gaysteen.

Dagaaladan oo tan iyo todobaadkii la soo dhaafay ay si wada jir-ah uga qayb qaadanayeen qaybaha dhammaan ONLF uga dagaalama Sagaalka Gobal ayaa 43 askarta Itoobiya iyo gacan-yaraheeda Liyu Police-ka lagaga dilay halka 50 kalena lagaga dhaawacay.

Saraakiil u hadashay Ciidamada ONLF ayaa sheegay in hawl-galadan ay yihiin kuwo lagu doonayo in looga sufeeyo Ciidamada Itoobiya goobaha ay deegaanada Ogaadeeniya kaga sugan yihiin.

Ciidamada dagaal yahanka ONLF oo maal-mahan ba isweedhka ka hayay Magaalooyinka ayaa gawaadhida Ciidanka itoobiya ee soo baxaya gubaya iyaga oo gaadhi Ciidan oo Itoobiya leedahay iyo waxii saarnaa ba Saban u daayay isaga oo maraya Daridabiyomadow oo Dhuxun ka tirsan. Halka, mid kale iyo waxii saarnaa ba ay dhaba’gal ku gubeen Ciidanka ONLF isaga oo maraya Labiga oo Dhagaxbuur ka tirsan.

Lama oga khasaarihii ka dhashay dagaalkii shalay Balijiic ee degmada Dhagaxmadow ku dhex-maray Ciidamada Itoobiya iyo Liyu Police-ka oo dhinac ah iyo Ciidamada Dagaal yahanka ONLF.

Sidoo kale, dagaal Arbacadii la soo dhaafay ku dhexmaray Ciidamada Huwanta ah iyo dagaal yahanka ONLF tuulada Wartimire oo Dh/buur ka tirsan ayaanan u suurto galin Ogadentoday in ay hesho Khasaaraha ka dhashay.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories