HomeSomali NewsCaalamkaIsraa'iil Oo Goob Kaliya Ku Xasuuqday 500 Qof oo Falastiiniyiin ah

Israa’iil Oo Goob Kaliya Ku Xasuuqday 500 Qof oo Falastiiniyiin ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ugu Yaraan 500 Qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, kumanaan kalena way ku dhaawacmeen Duqeymo ay Ciidamada Israa’iil u geysteen Cisbitaalka Al-Ahli oo ku yaala magaalada Gaza, halkaas oo ay ku sugnaayeen kumannaan shacab ah oo lagu dawaynayey iyo qaar kale oo ka dhigtay ay ka galaan weerarrada aan kala joogsi lahayn ee Israa’iil.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay inay ugu yaraan 500 oo qof ku dhinteen weerarka loo geystay cisbitaalka. Sidoo kale, waxa ay wasaaraddu sheegtay inay la duqeeyey Dugsi Waxbaraho oo ay maamusho Qaramada Midoobay.

Weerarka ayaa mideeyey quluubta shacabka Falastiin ee ku kala nool Daanta Galbeed oo ay ka taliso Xukuumadda Xisbiga Fatax iyo Marinka Gaza oo gacanta ugu jira Ururka Xamaas.

Madaxda Reer Galbeedka iyo Dalalka Carabta ayaa cambaareeyey weerarka Israa’iil ku duqeysay Cusbitaalka, waxaanay ku tilmaameen xasuuq axmaqnimo ah oo aan la aqbali Karin.

Ra’iisal-wasaaraha dalka Canada ayaa tallaabo aan la aqbali Karin ku tilmaamay weerarkan.

“Warka Gaza ka soo baxaya waa mid argagax leh oo aan sinaba loo aqbali karin. Waa in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada,” sidaas ayuu yidhi Ra’iisal wasaaruhu, waxaanu intaas ku daray, “Dagaalladu waxay leeyihiin shuruuc u dejisan oo aan laga gudbi Karin, wax la aqbali karo maaha in la duqeeyo cusbitaallada.”

Boqortooyada Sacuudiga ayaa si adag u cambaareysay Dambiga foosha xun ee ay geysteen ciidamada Israa’iil, sida lagu sheegay war-saaxafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Dhanka kale, Boqorka Urdun, ayaa weerarka ku tilmaamay ‘xasuuq’ iyo ‘dambi dagaal’ oo aan qofna ka aamusi karin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories