HomeIsburinta hadallada saraakiisha maleeshiyada Shabaab oo wax weyn fashiliyey

Isburinta hadallada saraakiisha maleeshiyada Shabaab oo wax weyn fashiliyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Sheekh Xasan Daahir Aweys  oo ka mid  ah Saraakiisha sarsare ee Malleeshiyada Al-Shabaab oo war-baahinta lahad layay ayaa daaha ka fayday khilaaf ba’an oo uu sheegay inuu ka dhex jiro kooxdaas, isla markaana khilaafkaasi yahay waxa sababay inay inta badan ka baxaan meelihii ay ka haysteen magaalada Muqdisho.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah loo baahnaa in hal sano ka hor uu bilowdo maaddaama AMISOMay wadato Taangiyo iyo Madaafiic waa weyn, kaasi oo aanan suuragal aheyn in ay Al-Shaabab iska celiyaan Ciidammo sidaa u qalabaysan.

Isbeddalka Kooxda Al-Shabaab ku dhacay ayuu Xasan Daahir ka hadlay waxaana uu tilmaamay in haddii ay banneeyeen difaacyadii Kooxda Al-shabaab degganayd ee Muqdisho dagaalku sidaa ku dhammaanaynin, isla markaana waxa uu ku hanjabay in dagaalka Al-Shabaab qorshaynayso ee kudhufo oo ka dhaqaaqda ahi ka daran yahay dagaalkii hadda ka hor ay dawladda Ku-meel-gaadhka Soomaaliya iyo AMISOM.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Malleeshiyada Al-Shabaab, Sh. Cali Maxamud Raage (Cali-dheere), ayaa beeniyay inuu Al-Shabaab soo dhex-galay  khilaaf iyo kala qeybsanaani. Maalmahaan ayaa waxaa soo baxayay warar soo xoogeysanaya oo sheegaya in Al-Shabaab ka bixiddeeda goobaha difaaca ee Muqdisho uu sabab u yahay khilaaf dhexdooda ah.

Aqoonhayan dhowaan booqday magaalada Baydhabana wuxuu sheegay in Saraakiisha Al-Shabaab ee reer Baydhaba ay oggolyihiin Hay’adaha gargaarku ay yimaaddaan, halka Axmed Godane iyo Cali Maxamuud Raage ay diiddan yihiin. Af-hayeenka Al-Shabaab,  Cali Maxamuud Raage, oo u warramayey Xalay BBC-da Laanta Soomaaligu wuxuu ku tilmaamay wararkaas oo dhan kuwa aan waxba ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee, haddalladan isla shalay ka soo kala yeedhay Saraakiisha Sarsare ee Al-Shabaab, gaar ahaan Xasan Daahir Aweys iyo Cali Maxamuud Raage, ayaa ah kuwo kala fog, isla markaana is-burinaya, iyada oo hadalka Aweys laga dhadhansan karo mid daacadnimo hadal ah oo u dhaw xaqiiqada wararka hore loo hayey ee muujinaya in Al-Shabaab dhexdeeda khilaaf weyni ka jiro, halka hadalka Cali-dheere u muuqdo mid dublamaasiyadeed oo laga dheehan karo is-difaac iyo dafiraad siyaasadeed, maaddaama oo qirashada jiritaanka khilaafkaasi wax badan ka dhimi karo Malleeshiyada Al-Shabaab.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories