HomeSomali NewsSomalilandImtixaanka Shahaadiga Ah Oo Barri Oo Axad Ah Ka Bilaabmaya Guud Ahaan...

Imtixaanka Shahaadiga Ah Oo Barri Oo Axad Ah Ka Bilaabmaya Guud Ahaan Dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)- Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014-2015 ee  fasaladda 4aad ee sare iyo fasallada  siddeedaad ee dhexe  ayaa  la filayaa  in   Axada beri ay si rasmi ah guud ahaanba uga   bilaabmaan  dalka, iyadoo imtixaankaasi ay u fadhiisanayaan 24000 arday.

Kooxdii   labaad ee hawlwadeennadda ka shaqaynaya  imtixaanka shahaadiga ah  ayaa shalay  waxay u baxeen deegaamadda ay ka shaqaynayaan, iyadoo kooxaha hawl-wadeenadda imtixaanka qaadaya ee goboladda fog-fog ay Khamiistii doraad baxeen.

Munaasibad  lagu sii dardaraayay laguna dirayay shaqaalahaasi oo shalay  lagu qabtay xafiiska imtixaanka qaranka  ee magaaladda Hargeysa, kuwaasi  oo ka hawlgeli doona  gobolada Togdheer, Saaxil iyo Awdal,  ayaa masuuliyiinta  xafiiska imtixaanaadka iyo wasaaradda waxbarashada  oo halkaasi ka hadlay  waxay kula dardaarmeen hawlwadeennada imtixaanka shahaadiga ah inay iska xilsaaraan sidii ay u adkayn lahaayeen sirta imtixaanka.

Wasiirul dawlaha  waxbarashada   Axmed Nuur Faahiye,  oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014- 2015 ay u fadhiisan doonaan guud ahaan dalka oo dhan arday ay tiradoodu gaadhayso  24 kun oo arday, oo isugu jira fasaladda afraad ee sare iyo Sideedaad ee dhexe.

“Imtixaanka loo baxayo oo loo fadhiisan doono bisha toddobaadeeda, oo maalinta Axada ku began, iyadoo  Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan imtixaanka shahaadiga ah ay u fadhiisan doonaan tiro ku dhaw 24 kun oo arday dalka oo dhan.  kuwaasi  oo iskugu jira 14000 kun  iyo dheeraad dugsiyada hoose dhexe  ah iyo 9000 kun oo dugsiyadda sare ah”ayuu yidhi Wasiirul dawlaha  waxbarashada.

Axmed Nuur Faahiye, waxa uu tilmaamay in ay tahay arrin qaranka ku weyn   in 24000  oo arday ay imtixaanka u fadhiistaan.  Waxaanu  yidhi  “Maanta  (shalay)  waa maalin qaranka iyo  shacabka reer Somaliland ku weyn,  oo 24000  kun oo arday ay u fadhiisan doonaan imtixaanka,  ayna ku soo biiri doonaan saaxadda  aqoonta arday cusubi”.

Somalilandpsot.news

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories