Imtixaanka Shahaadiga Ah Oo Barri Oo Axad Ah Ka Bilaabmaya Guud Ahaan Dalka

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa, (SLpost)- Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014-2015 ee  fasaladda 4aad ee sare iyo fasallada  siddeedaad ee dhexe  ayaa  la filayaa  in   Axada beri ay si rasmi ah guud ahaanba uga   bilaabmaan  dalka, iyadoo imtixaankaasi ay u fadhiisanayaan 24000 arday.

Kooxdii   labaad ee hawlwadeennadda ka shaqaynaya  imtixaanka shahaadiga ah  ayaa shalay  waxay u baxeen deegaamadda ay ka shaqaynayaan, iyadoo kooxaha hawl-wadeenadda imtixaanka qaadaya ee goboladda fog-fog ay Khamiistii doraad baxeen.

Munaasibad  lagu sii dardaraayay laguna dirayay shaqaalahaasi oo shalay  lagu qabtay xafiiska imtixaanka qaranka  ee magaaladda Hargeysa, kuwaasi  oo ka hawlgeli doona  gobolada Togdheer, Saaxil iyo Awdal,  ayaa masuuliyiinta  xafiiska imtixaanaadka iyo wasaaradda waxbarashada  oo halkaasi ka hadlay  waxay kula dardaarmeen hawlwadeennada imtixaanka shahaadiga ah inay iska xilsaaraan sidii ay u adkayn lahaayeen sirta imtixaanka.

Wasiirul dawlaha  waxbarashada   Axmed Nuur Faahiye,  oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014- 2015 ay u fadhiisan doonaan guud ahaan dalka oo dhan arday ay tiradoodu gaadhayso  24 kun oo arday, oo isugu jira fasaladda afraad ee sare iyo Sideedaad ee dhexe.

“Imtixaanka loo baxayo oo loo fadhiisan doono bisha toddobaadeeda, oo maalinta Axada ku began, iyadoo  Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan imtixaanka shahaadiga ah ay u fadhiisan doonaan tiro ku dhaw 24 kun oo arday dalka oo dhan.  kuwaasi  oo iskugu jira 14000 kun  iyo dheeraad dugsiyada hoose dhexe  ah iyo 9000 kun oo dugsiyadda sare ah”ayuu yidhi Wasiirul dawlaha  waxbarashada.

Axmed Nuur Faahiye, waxa uu tilmaamay in ay tahay arrin qaranka ku weyn   in 24000  oo arday ay imtixaanka u fadhiistaan.  Waxaanu  yidhi  “Maanta  (shalay)  waa maalin qaranka iyo  shacabka reer Somaliland ku weyn,  oo 24000  kun oo arday ay u fadhiisan doonaan imtixaanka,  ayna ku soo biiri doonaan saaxadda  aqoonta arday cusubi”.

Somalilandpsot.news

- Advertisement -

Latest News

He spied on Al-Shabaab for Ethiopia, then Ethiopia imprisoned him

This is the extraordinary story of an Ethiopian military intelligence operative who spent nearly three years undercover inside Al-Shabaab,...
- Advertisement -

More Articles Like This