HomeHogaaminta Saboolka Ah Iyo Garaad Xaalufinta Xukuumadda Haatan Talada Haysa

Hogaaminta Saboolka Ah Iyo Garaad Xaalufinta Xukuumadda Haatan Talada Haysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Aan ku bilaabo waxa aan qalinka u qaatay qoriga bedelkiisa inaan bayaamiyo oo aan oogta ka cadeeyo talada xumada ka dhalatay Hogaaminta saboolka ah ee Xukuumadda haatan talada haysa iyo garaad xaalufnimada kuwii u igmaday Madaxweynaha codkii umadda ka dhigay agnaanka, oo aan ugu hambayn Bulshada sidii ay ugu liseen, balse u noqday Beerlaxawsigii biyo Cod dhaanshay oo ay beenoobeen inta badan balan qaadyadiisii Xiligii uu u bardoodamayey kursiga uu maanta badhida saaray waase bar kuma taal burjigii codka Umaddu (Tacab ba’ay beer uun maaha) oo miyaan aw geedi shanboo arladii gelinba waayeyn waa maxay dhoola tuska haddimada ee danyartii ku habsaday waayo waxaan waraabe adhi ku samayn ayaa lagu sameeyey inta hilifaha loo laabay si axmaqnimo iyo arxandarro is biirsaday ah ayaa cagta loo mariyey wakhti aan haboonayeyn oo cawro/karaahi ah ayaa lagu kadiyey, iyada oo wax loo qorsheeyey ama loo diyaariyey oo loogu  talo galayba aanu jirin, hab dhaqankani waxa uu markhaati  u yahay cinwaanka tusmada u ah Maqaalkan aan ku hogo tusaaleeyey Maamul xumada ka ifaysa Dhismaha dheeliga badan ee Dawladda Madax ku sheega Aqoonta daran (Garaad xaaluf) ee ku dur duriyey danyartii  ay balanta la galeen amintii ay iyagu oomanayeen una baahnaayeen awood u helista ficilkooda maanta (Ka laxiiba iyo waxaad leedihiin laabta xuushada ee balmaxdun Qalbiga lahashada diidaan ), waayo?  Maydun ciil oydeen maanta oo kale ee iyagaa farta dhexda ka qaniini lahaa, waxa keenay canaanta haddii aad taliso oo la diido in la jabo ma jeceshahay ? haa sababta oo ah haddii waxa aad ka dayrinaysa ee aad lahayd waar ka digtoonaadaay ama ku goodiyaysa la arag saw noqon maysid maangaab garaad xaaluf ah (Sifir) saadaal guracan astaamaha hogaamintana ka sabool ah sida kuwa maanta idin helay ee idin biday silica iyo saxariirka aad ku sugan tihiin ee idinka oo dib u dejin u baahnaa idin barakiciyey, idina dhigay duleed banaan oo xagaagaa galay dabayshu buufta hayso oo barbaartii Waxbarashada u baahnayd in loo badiyo Iskuulada daayoo ka fogeeyey baradii, sidaasi waxay ka dhigan tahay (Bilicda ayaad Qaribaysaan) hadaad danyarta tihiin inaad noolaataan xaq uma lihidin (You have no right to live wheather you’re impoverished) waxa tan u daliil ah maahmaahda Somaliyed ee Xikmada huwan ee tidhaahda (Miskiin ayaa Misko la cuslado leh) maahmaahdan fasiraadeeda aan dadka u dhaafee weli miyaad aragteen qof xil haya ama tujaarta ka tirsan oo sidan oo kale loo galay? In sidan loo galo daayoo Wadooyinka ayey baloodhaaystaan, danta guudna daa hadalkeeda waxa taasi u daliil ah oo aan farta kuugu fiiqayaa Maansoor iyo Xaafada Booli Qaran ee ku gadaaman iyo meelo kale oo fara badan oo ku teedsan dalka kuna filiqsan Gobolada iyo Degmooyinka Dhulka Jamhuuriyada Somaliland ka kooban yahay haddaan la dabar goyn gacanta dulmiga u adeegta meel dheer ayaa laga dayi.

Maxaan sheegayey waa yaab iyo amakaag nimankan ee umadda u taliyaa ma waxay kala garan laayihiin qorshaha iyo fulinta ka horeeya , ayaan daraddan aan ka tiraabayaa waa salka ay ku taagan tahay dhibaatada umadda haysata wakhtigan xaadirka ah ee ka muuqata Bulsho weynta Reer  Somaliland, khaas ahaan waxay aad iyo aad u dumisay dadka intii danyarta ahayd  (Dhiciska inta birta loo soo sido ayuu ka bakhtiyaa) wax kale oo daliil ah garaadka dalagan ee Xukuumadda dhawaaqa haatan ka soo yeedhay Golaha Wasiirada iyo Madaxweyne ku Xigeenka waayo?  Geed walba in gubtaa way hoos taalaa ma maanta ayey  yidhaahdeen Dawladda Shariif aynu caawino maan garan Ujeedada laga leeyahay codkaa u sacabo tumaya Abaaraha Somaliya ka dhacaya ee ilaabay geedkeenan in badan oo sabool ah iyo qaadaa ma dharge ahi ahi ay ku sugan  yihiin, kuwaasi oo ay isku qalaadinayaan, miyaanay ogayn in Magicii Dawladdnimo dhamaydba ay Koonfuri kaligeed ku mushaaxday oo ay dhaafsadeen iyagu wixii aynu wada lahaan jirnay barri iyo magacii Qaranka Somaliyeed , balse maiyaanay ogayn marka sakada la ururinayo in lagu bixiyo Deegaanka laga ururinayo laftarkiisa, tan iyo inta la waayayo cid qaadata mooyee looma gudbin karo  meel kale sidaa awgeed, waxaan leeyahay miyeydaan ogayn in Caawimada Caalamku siiyey  aanay gaadhin cidii loogu talo galay, balse si khaldan loo maamushay kaaga sii darane  yaydun u dhiibaysaan waxaad ururisaan ma TFG (Dawladda Taagta Daran) kaaga sii darane ma inta aad dadkiina ka sii talaabsataan ayaydun u fad kudun meel magac iyo Dawladdba leh oo Caalamku Aqoonsan yahay, iyada oo dadkiina laga helayo qaar gaajoonaya.

Habartii dagaladeeda daruuruhu ka horeen dadba wada hel moodoo daad wararac waase dumare yeelkeed.

Wa bilaahi Tawfiiq.

Qallinkii: Fa’iz Maxamed Khaliif

Faismk.@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories