HomeHARGEYSA: Masuul hore uga tirsanaan jiray Dawladda Hoose oo Caawa ka Badbaadiyey...

HARGEYSA: Masuul hore uga tirsanaan jiray Dawladda Hoose oo Caawa ka Badbaadiyey isku-day Dil lala beegsaday

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

news1Hargeysa (SLpost)- Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, ayaa caawa gurigiisa ku weerartay Agaasimihii hor ee Waaxda Qorsheynta Dawladda Hoose ee magaalada Hargeysa Cabdillaahi aw-Cali Axmed (Cabdilaahi Ubax).

Cabdilaahi Ubaxle, ayaa xilliga weerar loo geystay ku sugnaa gurigiisa hortiisa, waxaana rasaas Oodda lagaga qaaday gaadhi uu saarnaa oo yaallay wejahadda hor ee guri uu ka deggen yahay magaalada Hargeysa oo ku yaala xaafadda Jig-jiga ee Galbeedka magaalada.

Warku waxa uu intaas ku daray in dableyda weerarka fulisay oo aan haybtooda la aqoonsan, ay rasaasta ku fureen Cabdilaahi Ubaxle oo isla markaas uun gaadhigiisa hor joojiyey gurigiisa hortiisa, haseyeeshee Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkan lagu bartilmaameedsaday masuulkan hore uga tirsanaan jiray Dawladda Hoose ee Caasimadda.

Lama oga sababta ay kooxdan weerarkan geystatay u bartilmaameedsadeen mas’uulkan iyo waxa ka dhaxeeyey toona, balse waxa la sheegay inay dableydaasi isla markiiba ka baxsadeen goobta isla markaana aan la garanayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Waxaana isla markiiba soo buux-dhaafiyey Guriga dadka Jaarka ah oo anfariir ka qaaday dhawaaqa rasaasta, ka dib markii ay baxsadeen nimankii weerarka geystay.

In kasta oo aanu isku daynayn inaanu xidhiidh la samaynayo dhibbanaha lala beegsaday weerarka badheedhka ah, noomay suurto-galin inaanu ku helno dhinaca khadka telefonkiisa gacan oo xidhnaa awgeed, haseyeeshee qaar ka mid ah dadka jaarka ah ee deggen xaafadda weerarku ka dhacay, kuwaas noo xaqiijiyey inaanay jirin cid wax ku noqotay weerarkaas isla markaana uu fayow yahay masuulka lala beegsaday.

“Dhawaqa rasaasta ayaanu ku soo baxnay, dadkii xaafadda oo dhamina meeshii rasaastu ka dhacaysay ayay isugu soo urureen,” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah dadka ku nool xaafaddaas oo khadka telefonka ugu warramay wariye ka tirsan Shabakadda Somalilandpost.

“Rasaastu waxay qabsatay daaqadda oo ay ka dhex-baxday,” ayuu qofkani hadalkiisa raaciyey.

Magaalada Hargeysa waxa muddooyinkii u dambeeyey caado ka noqotay falalka noocan oo kale ah ee lagu bartilmaameedsado shakhsiyaad mansab ka haya dawladda ama xilal hore soo qabtay, iyada oo inta badan dadka loo qabto fal-dambiyeedkan aan si toos ah sharciga loo hor-geynin.

Fal-dambiyeedkii ugu dambeeyey ee noociisa ah, ayaa 21 October ee sannadkii hore wakhti habeennimo lala beegsaday xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, kaas oo nin hubaysani rasaas kula bartilmaameedsaday wakhti uu maray xaafadda Jigjiga-Yar ee Hargeysa, haseyeeshee muddo laba maalmood ka dib waxa ay ciidamadu boolisku ku guulaysteen inay gacanta ku soo dhigaan ninka fuliyey isku-dayga dil eel ala beegsaday xildhibaan Qabile, kaas oo ilaa immika aan sifo sharci loo horkeenin Maxkamad rayid ah.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories