HomeHargeysa: Ciidamada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay Rasaas tiro badan iyo dad...

Hargeysa: Ciidamada Ammaanka oo Gacanta ku dhigay Rasaas tiro badan iyo dad loo qab-qabtay

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Hargeysa (SLpost)- Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa shalay magaalada Hargeysa ku qabtay baabuur laga buuxiyey noocyada kala geddisan ee rasaasta loo adeegso hubka fud-fudud, meel u dhow xaafadda Jameecada ee Koonfurta magaalada Hargeysa.

Ma jiro war ku saabsan dhacdadan oo ciidamada ammaanku shaaciyeen, haseyeeshee sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen goob-joogeyaal ku sugnaa goobta lagu qabtay gaadhigan, baabuurka rasaasta lagu raray oo noociisu ahaa Mark II, ayaa ciidamada ammaanka gacanta ku dhigeen ka dib markii dadweynaha xaafaddaasi ka shakiyeen alaab lagu rarayey baabuurkan, ka dibna ay ku war-geliyeen ciidamada booliska.

booliskaDadweyne ka soo dareeray salaaddii Roob-doonta ee shalay, ayaa ku war-helay rasaastan oo lagu kala wareejinayo baabuurka la qabtay iyo xaajiyad Surf ah oo rasaastu marka hore saarnayd, isla markaana ku war-geliyeen Ciidanka ammaanka oo isla markiiba goobta soo gaadhay, waxaanay halkaas ku qabteen baabuurka ay rasaastu ku rarnayd iyo laba nin oo loo malaynayo inay ahaayeen kuwii watay rasaasta oo noqonaysa inta la ogyahay tii ugu tirada badnayd hub sharci-darro ah ee magaalada Hargeysa gudaheeda lagu qabto.

“Markii aanu salaadda sidaas uun uga soo baxnay oo dadkuna fara-badan yihiin oo aanu suuqa ku soo jeedno, annagoo marayna meel Jameecada korkeeda, gaadhi Mark two ah iyo laba nin oo ciidamo boolis ahi la joogeen. Labadii nin iyo gaadhigiiba ciidanku way kaxaysteen,” sidaa waxa Himilo u sheegay goob-jooge ku sugnaa goobta lagu qabtay baabuurka rasaasta ka buuxday, kaas oo ka gaabsaday magaciisa in la xuso.

Warku waxa uu intaas ku daray inaanay ciidanka booliska gacanta ku dhigin baabuurka Surfta ah ee rasaasta laga rogay, kaas oo la sheegay inuu isla markiiba goobta ka baxsaday. Lama garanayo Meesha laga keenay iyo halka lagu waday rasaastan, in kasta oo wararka qaar sheegeen labada nin ee hubka lagu qabtay ay deegaan ahaan ka soo jeedaan ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Hay’adaha ammaanka Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiinno arrintan, ayaan noo suurto-galin inaanu xog dheeraad ah oo arrintan la xidhiidho ka helo, iyada oo saraakiil ka tirsan ciidamada booliska oo aanu arrintan wax ka weydiinnay ka gaabsadeen inay haba yaraatee wax tafaasiil ah ka bixiyaan hawl-galkan.

Waxa xalay magaalada Hargeysa laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo ciidamadu ammaanka ku sugayeen, iyada oo la arkayey boolis tira-badan oo taagan jidadka caasimadda kuwaas oo gaadiidka waddooyinka maraya baadhitaanno ku samaynayay.

 

Xigasho: Himilomedia.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories