HomeHARGEYSA: Baaxadda Ganaax iyo Xadhig lagu riday Nin Raashin Wakhtigiisu Dhacay ka...

HARGEYSA: Baaxadda Ganaax iyo Xadhig lagu riday Nin Raashin Wakhtigiisu Dhacay ka iibiyey Dad Barokacayaal ah

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Degmada Hargeysa, ayaa xukun xadhig iyo ganaax ah ku riday nin ka shaqayn jiray iibinta raashinka waqtiga isticmaalkiisu dhammaaday oo si qarsoodi ah looga beddeli jiray jawaanka uu ku jiro.

MaxkamaddaMaxkmadda Degmada Hargeysa, ayaa xukun xadhig saddex bilood ah iyo ganaax lacageed oo dhan 1,000,000 SLSH (hal milyan shillin) ku riday nin magaciisa lagu sheegay Faysal Qorane Muxumed, kaas oo lagu helay dacwad ay ku soo oogtay Xeer-ilaalinta Gobolka kadib markii lagu soo qabtay hawlgallo ay sameeyeen Waaxyaha Fayo-dhawrka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa oo helay raashin waqtigiisu dhacay oo uu iibiyey.

Fadhi maxkamadda Degmadu ka yeelatay gunnaanadka kiiskan shalay, ayaa garsooraha qaadayey uu kaga dhawaaqay xadhigga saddexda bilood ah iyo ganaaxa lacageed ee lagu riday Faysal Qorane Muxumed kadib markii uu sheegay in lagu helay labad qodob oo lagu soo eedeeyey oo kala ahaa; iibinta raashin noociisu yahay daqiiq waqtigeedu dhacay iyo ka beddelid galkii (jawaankii) hore uu raashinkaasi ugu soo degay, isla markaana maxkamaddu xukunkiisa u adeegsatay qoddobada 395 iyo 397 ee xeerka Ciqaabta Guud.

Suxufi ka tirsan wargeyska Jamhuuriya oo markii xukunkaasi dhacay kadib, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid wax ka waydiiyey kiiskan, ayaa sheegay in ninka la xukumay lagu helay raashin uu ka iibiyey dad danyar ah, isla markaana maxkamaddu diiday inuu iibsado ama dammaad lagaga sii daayo xadhigga ku dhacay.

“Maxkamaddu intii ay ku lahayd kiiskan ayey ka gudatay kiiskan raashinka waqtigiisu dhammaaday oo ah daqiiq ninka la xukumay uu isagu dilaal ka ahaa, kana iibinayey goobahan dadka barakacayaashu degan yihiin. Waxaanay maxkamaddu diiday in lagu sii daayo dammaanad iyo in xadhigga loo iibiyo toona, iyadoo eegaysa danta bulshada oo arrintani khatar ku tahay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid.

Dhinaca kale, Madaxa Waaxda Fayo-dhawrka Wasaaradda Caafimaadka Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma) oo isna weriyuhu kula kulmay maxkamadda, ayaa u mahadceliyey ciidanka booliska iyo xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka oo uu sheegay inay dacwaddan kaalin wanaagsan ka qaateen.

Mr. Nakruuma waxa uu bulshada ugu baaqay inay kala shaqeeyaan sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadka ka ganacsada badeecadaha waqtigoodu dhammaaday, waxaannu yidhi, “Dadweynaha waxaannu ku guubaabinaynaa qofkii arka raashin ama badeecado dhacay oo la iibinayo inay u soo gudbiyaan goobtii ugu dhaw sharciga ama xarun boolis, waxa kale oo aan ciidanka booliskana waxaan ka codsanayaa inay joogteeyaan kiiskan oo kale.”

“Waxyaabaha keenaya in badeecado dhacay la iibiyo waxa kow ka ah sharci horgayn la’aanta, markaa si dhaqankan xun looga hortago waa in dadweynuhu iska ilaaliyaan waxay iibsanayaan, haddii ay arkaan badeecad waqtigeedu dhacay ama ay ka shakiyaana waa inay soo sheegaan,” ayuu yidhi Cabdiwahaab Nakruuma.

Xukunkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ay maxkamadaha Somaliland ku ridaan dad ka ganacsatada badeecado waqtigii isticmaalkooda loogu talogalay dhammaaday muddooyinkii u dambeeyey, waxaanay tallaabadani dhiiirigelinaysaa in sharciga la horkeenno cid kasta oo dambi gasha.

XIGASHO: Jamhuuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories