HomeGuddoomiyaha Guddida Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Oo Shaaciyey Bilowga Wajiga Labaad Ee Diiwaangalinta

Guddoomiyaha Guddida Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Oo Shaaciyey Bilowga Wajiga Labaad Ee Diiwaangalinta

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Hargaysa(SLPOST):-Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdi Samad Cumar Maal Oo Ah Guddoomiyaha Guddida Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha Iyo Aqoonsiga Muwaadinka Ayaa Maanta Shaaciyey In Ay Sabtida Bilaabi Doonaan Wajigii Labaad Ee Diwaan Galinta Codbixiyashaasha.

Guddida-Diwaangalinta

shirjaraa’id Oo Sida Wada Jira Ah Guddidaasi Ugu Qabtay Magaalada Hargaysa Ayaa Waxa Ay Ku Shegeen In Ay Bilaabi Doonaan Shaqaalahii Ka Shaqayn Lahaa Diiwaan.

Dhinaca Kale Waxa Ay Bayaamiyeen In Shaqaalaha Lagu Qaadan Doono Ardayga Sita Uun Shahaado Jaamacadeed Oo La Aqoonsan Yahay Isla Markaas Bartay Cilmiga Ictga. Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Aha Guddoomiyaha Guddida Guddida Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha Ayaa Sharaxaad Ka Bixinaya Sida Loo Qaadanayo Shaqaalaha Ka Shaqayn Lahaa Diiwaan Galinta”

“Halkan Waxa Fadhida Guddidii Farsamo Ee Diiwaan Galinta Cod Bixinta Aqoonsiga Muwaadinka Qaranka Waxaanu Saaka Iclaaminaynaa Inaanu Bilaabi Doono Talaabadii Labaad Oo Ah Shaqaalaynta Ama Shaqo Qorista Shaqaalahii Diiwaan Galinta Ka Qayb Qaadan Lahaa Ee Gobolada,Nidaamka Shaqaalahaas Lagu Qorayo Waxa Ka Mid Ah Jaamacada Qaranka Ee Dalka,Gobolada Iyo Degmooyinka Ay Ka Dhacayso Diiwaan Galintaasi Waxa Ay Dadka Shaqaalahii Intaxaanka Ku Qaadanayaa Jaamacadaha Gobolada Dalka Ku Yaala Waxaana Ka Qaadaya Macalimiinta Jaamacadaha Tusaale Ahaan Gobolka Awdal Degmooyinka Saylac Lug-Haya Baki Iyo Boorama Shaqaalaha Diiwaan Galintu Ee Goboladaasi Ka Shaqaynaya Waxa Y Inta Xaanka Ku Galayaan Jaamacada Camuud. Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Intaasi Ku Daray”Degmooyinka Hawd Hargaysa Gabiiley Iyo Salaxlay Shaqaalaha Laga Qaadan Doonaa Waxa Ay Intaxaanka Ku Gali Doonaan Jaamacada Hargaysa Iyo Jaamacada Tima-Cade,Shaqaalaha Ka Shaqaynaya Degmooyinka Barbara, Sheekh Iyo Degmooyinka Kale Ee Hoos Yimaada Ee D Ah Waxa Ay Inta Xaanka Ku Gali Doonaan Jaamacada Barbara,Ardayda Joogta Magaalada Burcana Waxan Ay Ku Gali Doonaan Inta Xaanka Jaamacada Burco Sool Iyo Sanaagna Iyaguna Li Mid. Dhinac Kale Agaasimaha Ayaa Waxa Uu Ka Hadlay Cid Intaxaanka Ka Qaadaysa Ardayda Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha Samaynaysa

Waxaana Uu Yidhi”Dalka Ayaa Lagu Qaadayaa Intaxaankii Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha Waxaana Qaadaya Waxa Weeyaan Macalimiinta Jaamacadaha Cid Ka Hawl Galaysaana Waxa Ay Noqonaysaa Haay’adda Shaqaalaha Dawlada Iyo Xubno Ka Tirsan

Guddida Diiwaan Galinta Oo Ukala Bixi Doona Bari Ilaa Saadanbe Gobolada Iyo Degmooyinka Waxaana Ay Araaji Qabashadu Bilaabmaysa Maalinta Sabtida Waxaana Lasoo Dhaji Doonaa Shaqo Qayaxidii Tilmaamayse Shaqaala La Rabo Shuruudaha Looga Baahan Yahay Oo Heer Jaamacadeed Waxaana Lagu Soo Dhajin Doonaa Dhamaan Warbaahinta Iyo Degmooyinka Ay Ka Dhacayso Diiwaan Galintu. Sidoo Kale Waxa Uu Ka Waramay Cid Kawada Hawl Galaysa Diiwaan Galinta Codbixiyayaasha Waxaana Uu Yidhi”Waxa Ka Wada Hawl Galaysa Oo Waliba Doorka Koobaad Ee Ugu Muhiimsan Leh Haay’adda Shaqaalaha Iyo Guddida Loo Xilsaaray Diwaan Galinta Waxaana Meesha Aan Ka Baxsanayn Oo Iyana Ku Jira Maamulayaasha Degmooyina

Badhasaabo Ku Xigeenka Gobolada Maayarada Dalka Ku Xigeenadooda Iyo Xog-Haya Fulinta Ee Dawladaha Hoose Ayaa Iyana Ka Maqnayn Doorka Ay Ku Leeyihiin Hawshaasi Sidii Ay Habsami Ugu Socon Lahayd Iyana Doorkooda Ka Qaadan Doona Waxaana Kale Oo Iyana Masuuliyadooda

Qaadan Doona Masuuliyiinta Kale Ee Heer Gobo Loo Ay Mid Yihiin Taliye Qaybeedyada Taliyaha Saldhiga Gobolkaas Oo Iyana Hawshooda Amni Qaadan Doona Dhankooda,Markaas Waxa Inoo Bilaami Doona In Aynu Qorno Shaqaalahii Ka

Shaqayn Lahaa Hawshaas Diiwaan Galinta Qorihi Lahaa Dadkii Lasiin Lahaa Kaadhka Aqoonsiga Diiwaan Galinta Oo Lagu Sugayo Muwaadinka Reer Somaliland Xaqiisa

Shaqaalahaasi Waxa Laga Qori Doonaa Qofkasta Gobolka Uu Jooga Waxaana Qofka Lagu Qaadan Doonaa Inta Badan Waxa Ay U Badan Tahay Inuu Wax Ka Yaqaan Ictga Iyo Inuu Sito Shahaado Jaamacadeedn Oo La Aqoonsan Yahay.

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories