HomeGuddomiyahii Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Iscasilay

Guddomiyahii Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Iscasilay

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Hargeysa(SLPOST) Guddoomiyahii Komishanka Doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Xamari ayaa ku dhawaaqay in uu is casilay isaga oo ku sababeeyey iscasilaadiisa Mid shakhsi ah oo isagu uu doonayo in uu xilkaasi ka fadhiisto.

download (12)

Warsaxaaafadeed ka soo baxay Xarunta Komishanka doorashooyinka oo soo uu ku saxeexan yahay Agaasimaha guud ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdiraxmaan Siciid Yuusuf, ayaa lagu shaaciyey is-casilaadda guddoomiyaha doorashada guddoomiyaha Cusub, kaas oo u dhignaa sidan:

“Maanta oo ay Taariikhdu tahay 22ka April, 2014 waxa uu komishanka Doorashooyinka qaranku la socodsiinayaa Bulsha weynta reer Somaliland, Xisbiyada Siyaasadda, Xukuumadda Iyo Daneeyeyaasha Doorashooyinka:

1.In Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Ciise Yuusuf Maxmaed uu arrimo Shakhsi ah awgood codsaday in uu banneeyo jagada Guddomiyaha KDQ taasoo uu qoraal rasmi ah kaga codsaday xubnaha KDQ 20-KII April 2014.

2:Xubnaha KDQ waxa ay si wada jir ah uga aqbaleen (Unanimously agreed)  in mudane Ciise Yuusuf uu banneeyo Jagada Guddooomiyaha KDQ iyaga oo ugu mahad celiyay wada shaqayntii xilkaas-nimdii,masuuliyddii iyo hoggaamintii wacnayd ee uu muujiyay muddadii uu hayay xilka Guddoomiyaha KDQ.

3: Sidoo kale, waxaa ay xubnaha KDQ si wada jira ah (unanimously) ugu doorteen shalay oo ay taariikhdu ahayd 21ka April 2014 xilka Guddomiyaha KDQ mudane maxamed Axmed Xirsi Geelle Waxaanay ilahay uga Baryayaan un uu u fududeeyo hawshaa culus.

Go’aan Komishanka

Tixraaca Warqadda oo uu soo qoray Guddomiyaha koomishanka Mudane Ciise Yuusuf Maxamed soona baxday 20kii April,2014 nuxurkeeduna ahaa bannayn xilkii guddomiye ee KDQ.

Haddaba,ka dib markii ay xubnaha koomishanka Doorashooyinka Qaranku ka baaraan degeen isla markaasna ay lafa gureen codsiga mudane Ciise yuusuf maxamed waxaa ay go’aamiyeen in ay ka aqbalaan Codsigiisa ah in uu banneeyo xilkii Guddoomiyaha KDQ.

waxa Xxubnaha KDQ ay uga mahad celinayaan wada shaqayntii iyo hoggaamintii wacnayd ee uu ku suntanaa muddadii uu ahaa Guddomiyaha KDQ.

Sidoo kale,waxaa ay komishanka Doorashooyinka Qaranka sida uu tilmaamayo  Qodobka 11d,faqraddiisa 1aad xarafka (b) ee Xeer lr. 20/2001 maanta ii ay taariikhdu tahay 21 April,2014 u doorteen Xilka Guddoomiyaha KDQ mudane maxamed Axmed Xirsi Geelle waxaanay u rajaynayaan in ilaahay xilkii u Fududeeyo.

Xubhana Koomishanka Doorashooyinka Qranka

Maxamed Axmed Xirsi Geelle                    Guddoomiye—————

Cali Khadar Xassan Cismaan                      G/ku-Xigeen—————

Eng.Ciise Yuusuf Maxamed                          Xubin———————

C/fataax Ibraahim Xassan                             Xubin———————

C/raxmaan Maxamed Ismaaciil                             Xubin————————-

Raabi Cabdi Maxamed                                              Xubin————————-

Faarax Abiib Aadan Faarax                                      Xubin——————

 

 

 

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories