HomeGuddiga Wanaag-farista iyo Xumaan- reebista oo soo bandhigay agab Cuntada Xaaraanka lagu...

Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan- reebista oo soo bandhigay agab Cuntada Xaaraanka lagu kariyo oo ay soo qabteen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista Somaliland ee magaalada Hargeysa ayaa shalay soo bandhigay ololahooda wax-qabad ee ku aaddan la dagaalanka dadka xaaraanta kariya Bisha Baraykaysan Ramadaan.

Guddiga oo shalay xaruntooda ku soo bandhigay alaabo kala duwan oo ay ka soo ururiyeen dadka caadaystay karinta cuntada Xaaraanta ah, waxa munaasibadda kala soo qayb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Sheekh Ibraahim Ismaacil Maxamed iyo Sheekh Ismaaciil (aw-Libaax), culimo-awdiin kale iyo dadweyne tiro badan, waxaana ugu horreyn halkaaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Wanaag-Farista iyo Xumaan-reebista Xaaji Ibraahim Cabdilaahi (Xaaji Dool) oo ugu horreyn u mahad-celiyay wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo hay’adaha Amniga isaga oo sheegay inay wada-shaqayn wanaagsani ka dhaxayso, isaga oo arrintan ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xukuumadda imika talada dalka haysaa muddadii ay jirtay waxa ay noo muujiyeen taageero aan la soo koobi karin iyo sida ay u jecel yihiin in lala dagaalamo wixii xumaan ah ee Diinteenna Suubban lidka ku ah, Booliskuna si ku meel gaadh ah ayey noola shaqeeyaan bisha Ramadaan, balse waxaan codsanaynaa in la noo sameeyo ciidan si toos ah noola shaqeeya, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna si hagar la’aan ah oo hiil iyo hooba leh ayey noo garab istaagtay, shaqadan maaha mid u taala Guddiga wanaag-farista iyo Xumaan-reebista, balse waa shaqo u taala bulshada oo dhan, Xaaranta la karin jiray bishan Ramadan sidii bilihii hore way ka yaraatay, bilaha danbe ee Ramadaan-na, waxaan jecelahay in aan la karinba”.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Wanaag-farista iyo Xumaan-reebista oo isna halkaas hadal kooban ka soo jeediyey ayaa yidhi, “Anaga oo kali ahi waxba ma qaban karno, balse waxaan mahadnaq balaadhan u soo jeedinayaa Dadweynaha oo iyagu mar walba nala soo socodsiiya meelaha lagu karinayo Xaaranta, iyo meelaha xumaanta lagu sameeyo. Waxaan dadka u sheegayaa in ururku aanu Hargeysa oo kaliya ka furnayn ee uu gobollada oo dhan ka furan yahay kuwaas oo sidan oo kale u shaqaynayaa.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Ibraahim Ismaacil Maxamed, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Guddiga wanaag-farista iyo xumaan reebistu tahay Guddi u baahan in la taageero, waxay ka kooban yihiin odoyaal da’ ah waxaanan Alle uga baryayaa inuu ku taageero hawshaa adag ee ay dhabarka u riteen”.

Waxa iyana halkaas ka hadlay Madaxa hawl gelinta la dagaalanka xaaranta Cumar Xaashi Guunje, Xaaji Cabdiraxmaan Maxamuud, Sheekh Ismaaciil Cabdillaahi, Sheekh Ismaaciil (aw-Libaax iyo xubno kale oo guddiga ka tirsan kuwaas oo dhammaantood carrabka ku dhuftay in guddigu u baahan yihiin taageero ka badan inta ay hadda ka helaan Shacabka iyo Dawladda isla markaana lagu garab-joogsan lahaa doorka ay kaga jiraan ololaha la-dagaalanta Xumaanta bulshada dhexdeeda ah.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories