HomeGuddiga Doorashooyinka oo muddeeyey Qabsoomidda Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, baaqna u jeediyey Xukuumadda iy...

Guddiga Doorashooyinka oo muddeeyey Qabsoomidda Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha, baaqna u jeediyey Xukuumadda iy Axsaabta Mucaaradka

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...
Afhayeenka Guddida Doorashooyinka
Afhayeenka Guddida Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland, ayaa si rasmi ah daboolka uga qaaday inay Bisha Sagaalaad ee sannadkan ay Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha ka bilaabmi doonto dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka isla markaana wakhtigan ay ku hawlan yihiin sidii dalka loo soo gaadhsiin lahaa Agabkii lagu galayey diiwaangelinta.

Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Maxamed Xirsi Geele oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa dhawaaqay in Bisha September ee sanadkan si rasmi ah ay u bilaami doonto Diwaangalinta Codbixiyaasha Somaliland, waxaanu sheegay bishan Afraad ay galayaan Qorista shaqaalaha iyo keenista Agaabka lagu galayo Diwaangalinta Codbixiyaahsa, waxaanu Xusay in ay Komishanku qaateen Nin khabiir ah oo isku dubarida hawlaha Qandaraas bixinta iyo keenida Qalabka.

Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka oo ugu horeyn ka hadlayey  halka ay u marayso  hawlaha diwaangalinta Codbixiyaasha waxa uu yidhi, “Hawsha Diwaangalintu waa Hawl muhiim ah, mudana waanu ku mashquulsaneyn, runtii heerar kala duwan yey soo martay ka hadalka Diwaangalintu waxa jirtay mar aan Ra’yigaba aan laysku waafaqsaneyn, waxa kale oo jirtay mar dhaqaalaheedu laalnaa oo meel loogu hagaago aanay jirin, laakiin imika hawlihii oo dhami way soo dhammaadeen.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray,  “Runtii halkan waxaanu kula kulanay dhaqaale bixiyaashii oo dhan, waxayna noo sheegen war farxad leh oo ah in ay diyaar u yihiin hawlgalka diwaangalinta cod bixiya ah, Imikana waxaanu qoranay Nin khabiir ah oo isku dubaridi doona  mashruucaasi oo waxaanu  ka shaqeeyn doona Baahinta Qandaraasadka iyo qalabka sidii loo keeni lahaa, kolkaa si fiican ayey noogu socota waxaanu rajeynaynaa in ay bilaamanto uun in aanu dadka ku nidhahno soo dareera bisha September haddii illahay yidhado, intaa ka horeysana waxaanu ka shaqeyndoona Qorida shaqaalaha iyo qalab keenida.”

Md Geelle oo la weydiiyey kalsoonida ay ka qabaan inay doorashooyinku ku qabsoomaan xilligii loogu talo-galay, waxa uu ku jawaabay,“Doorashooyinka Waxa dib u dhigi kara Laba Arimood; Midi waa Cilad farsmo oo timaadda sida Diwaangalinta oo wakhtigeeda inagu qabsoomi wayda ama Waa mid Siyaasadeed oo ah raabitaan cid gaar ahi aanay doonayn in ay doorasho dhacdo, markaa Afrika waxaynu aragnaa Dawlado inta ay kursiga ku dhagaan loogu taagwayo in Doorasho la qabto, waxa kale oo aynu Maqalnaa Dad Mucaarid ah oo ka maaga in doorasho la qabto oo yidhada Dawlada ku shubanaysa oo qaadaca Doorashada, nasiib wanaag Somaliland labada Xaladood midna ma jiraan,” ayuu yidhi, isaga oo intaas ku daray, “Xagga Dawlada waxa cago jiid ah oo ka muuqada ma jirto, ama rabbitaan ay doonayaan in iskood ay u kordhistaan ma jirto waxad ka gartaa sida waxa loo qabanayo, run ahaantii waxa allaale iyo wixii xukumada nagag xidhma markaba way noo dhameysaa, dhaqaalihii way diyaariyeen oo miisaniyadii ayey ku jirtaa, mucaaridkeenuna iyaga ugu fadalo cad in ay doorashado shacdo cid ka maageysaa ma jirto,” ayuu yidhi Md Geelle waxaanu ugu baaqay siyaasiyiinta dalka inaanay ku kicin fad-qalallo wax ka beddeli karta jewiga diyaar-garowga doorashooyinka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories