HomeGolaha Wakiillada oo Markii u horreysay Xafiis-hoosaadyo ka Furanaya Gobollada Dalka wakhti...

Golaha Wakiillada oo Markii u horreysay Xafiis-hoosaadyo ka Furanaya Gobollada Dalka wakhti muddo-xileedkoodu gabaabsi yahay

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

iBRAAHIM MAHDI BUUBAABoorama (SLpost)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa markii u horreysay muddada Rubuc Qarniga ah ee dalku jiray xafiisyo ka furanaya caasimadaha gobollada dalka.

Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka joogtada ah ee golaha Wakiillada Md Ibraahim Mahdi Buubaa oo uu weheliyo Xog-hayaha Guud ee Golaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa maanta socdaal ku gaadhay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, halkaas oo lagu wado maalinta Berri ah in laga furo xafiiskii u horreeyey ee golaha Wakiillada ku yeesho gobollada Dalka.

Dhismayaasha Xarumaha u noqon doona Xafiisyada golaha Wakiillada ee gobollada dalka, ayaa la sheegay inay muddo bilo ah u kiraysnaayeen, isla markaana loo dhammaystiray Agabkii lagaga hawl-galayey xafiisyadaas.

Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada socdaalkooda Boorama, ayaa sheegay in Golahooda ku hawlan yahay inay dar-dar gelin ku sameynayaan isla markaana ay gobollada dalka ku ballaadhinayaan Hawlaha Qaran ee Golaha Wakiilladu u hayo Qaranka.

Munaasibad lagu daah-furayo Xafiiska Golaha Wakiillada ee gobolka Awdal, ayaa lagu wadaa in maalinta Berri ah lagu qabto guri loogu talo-galay inuu xarun u noqdo Xafiis-hoosaadyada Golaha Wakiillada ee gobollada dalka, halkaas oo ay ka hawl-gali doonaan Guddi Hoosaadyada kala duwan Golahaasi ka kooban yahay.

Xarunta Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa la qorsheeyey inay noqoto magaalada labaad ee Golaha Wakiilladu xafiiskooda ka yaglooli doono, halka xarunta gobolka Togdheer ee Burco ay noqon doonto meesha saddexaad ee la qorsheeyey in lagu daah-furo Xafiiskooda saddexaad, iyada oo gobollada kale ee dalkana sidaas lagu dhammaystiri doono.

Xafiis-hoosaadyada cusub ee Golaha Wakiilladu ka hirgelinayo gobollada dalka, ayaa ku soo beegmaya wakhti ay muddo kooban oo sannad ku beegan ka hadhsan yahay muddo-xileedka Aqalka Wakiillada Somaliland siddeed-sanno jirsaday, iyada oo tiraba dhowr jeer dib u dhac ku yimi doorashadii lagu beddeli lahaa Golaha immika jira oo muddo-kordhin loo sameeyey sannadkii hore.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories