HomeGo’aammadii Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM ee...

Go’aammadii Kal-fadhigii 2aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM ee ku qabsoomay Burco: 8/5/91kii – 4/6/91kii ~ Gudbinta: Boobe Yuusuf Ducaale – Q.2aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Maamulka Dhaqaalaha:

  1. SNM, BurcoIn dhismihii Hay’adaha adeegga iyo dhaqaalaha ee dalka sidiisii ahaado ilaa inta sharci cad oo lagu kala baxo la hirgelinayo, sharcigaa isaga ah oo xukuumaddu soo saarayso Baarlamaankuna ansixinayo, taasi oo looga jeedo in aanay xaaladdu ka bilaabmin caddaalad-xumo, qaraabo-kiil, mususq-maasuq abuuri kara xiisado cusub, boob iyo xasillooni-darro. Qodobkan oo loola jeedo u-talinta hay’adihii jiray ee caamka ahaa iyo hantidooda dadka ka dhexeysa, macnihiisu ma aha in la sii wadayo siyaasadihii xukunkii hore ee awoodda dhaqaalaha iyo iliilihiisaba ku ururinayay gacanta dawladda, siyaasdahaas oo dhaxalkeedu noqday dawladdii oo culays ka weyni saarmay, hay’adihii oo qaar badani is-bixin waayeen, maalkii dadweynaha oo si’ beretan-la’aan ah iyo eex ugu qulqulay jeebab khaas ah iyo ugu danbayn horumarkii dhaqaalaha oo intuu cidhiidhi galay heer socod la’aan ah ku danbeeyay.

Iyadoo la tixgelinayo mabaadii’da ku qeexan Barnaamajka Ururka dawladuu waxay ku soconaysaa siyaasad dhaqaale oo fur-furan, taasoo dawladdu xooggeeda saarayso dhinacyada qorshe-habaynta, sharciyaynta adeegga guud iyo wixii dadku gaar ahaan aanay u qabsan karayn isla markaana la dhiirri-gelinayo firfircoonida dhaqaale ee shacbiga iyo hal-abuurkooda, wax dabar ahna lagu xidhayn,

  1. In wax allaale wixii hanti ah ee dawladdu leedahay si buuxda loo diiwaan-geliyo oo aan marnaba loo oggolaan in ay cid gaar ahi ku takri-fasho ilaa inta sahrciyadoodu dhammaystirmayaan, iyadoo isla markaana xukuumaddu ku dhaqaaqayso, in wax allaale wixii Qaranku lahaa ee la bililiqaystay ama si’ gaar ah loo qaatay, sida: gaadiidka, guryaha, qalabka wershedaha, kuwa beeraha iyo biyaha iwm sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo gacanta dawladda,
  2. In wax alle yaale wixii ku saabsan baadhista iyo ka-faa’iidaysiga macdanta, badroolka, kalluumaysiga iyo kheyraadka kale ee dabiiciga ah ay ku dhisnaadaan, hab sharci ah oo ku salaysan caddaalad iyo tartan loo siman yahay,
  3. In iyadoo la fiirinayo marxaladda adag ee aynu marayno dadka lagu jiheeo dhinaca wax-soo-saarka iyo tabcashada, lalana dagaallamo wixii faakihaysi ah ee aan loo baahnayn, xaaraanna ah iyo caadooyinka xun xun ee ma-shaqaystannimada dhiirri-gelinaya,
  4. In maal-gelinta shisheeyaha la dhiirri-geliyo iyadoo loo diyaarinayo jawigii lagu soo jiidan lahaa loona samaynayo shuruuc macquul ah oo isla markaa dhawraya gobannimadeenna,

 

Dhinaca Siyaadda:

Siyaasadda Gudaha:

  1. In la xoojiyo midnimada loo siman yahay ee Beelaha dalka, dhismayaasha hay’adaha siyaasiga ah iyo kuwa bulsho ahaaneedba ay si cad uga muuqato caddaalad iyo isu dheelli-tir iyadoon laga tegayn aqoonta iyo khibradda,
  2. Iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo-aragnimadii xanuunka lahayd ee laga dhaxlay nidaamkii digtaatooriga ahaa, kaasi oo ku dhsinaa habka maamul xarumaysan (excessive decentralization), in xukuumaddu dhaqan-geliso habka maamul degaamaysan, kaasi oo leh astaanta baahin xukun gaadhsiisan ilaa unugyada ugu hooseeya ee gobolka, degmada iyo beesha,
  3. In xukuumaddu kafaal-qaaddo xuquuqda aadamiga, xorriyadaha madaniga ah iyo soo-saarista wargeysyo madax-bannaan kuwaasi oo u adeegaya dimuqraadiyadaynta nolosha siyaasadeed,
  4. In dadyowga kale iyo Beelaha kale Soomaaliyeed la raadsho sidii loola yeelan lahaa xidhiidh walaaltinnimo iyo mid is-kaashi oo loo siman yahay, dhinac kastana ah,

Siyaasadda Dibadda:

  1. Inay siyaasaddeenna dibaddu ahaato mid fur-furan oo fir-fircoon una adeegaysa aqoonsigeenna caalamiga ah iyo is-kaashi loo siman yahay oo aan beesha adduunweynaha la yeelanno,
  2. Inaynu dhacdooyinka gobolka aynu ku nool nahay ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya ka ciyaarno kaalin munaasib ah oo wax-ku-ool ah una adeegaysa danteenna iyo tan dadyowga dersika ahba,
  3. In maa daama uu taliskii Faashiga ahaa dalka ku sameeyay dhaqaale-burbur buuxa , aynu culays weyn saarno raadinta kaalmo deg-deg ah iyo mid loogu talo-galo dibudhiska dalka iyo dibudejinta dadka qaxootiga ah iyo kuwa baro-kacay, si nolosha dadweynaha caadi loogu soo celiyo,
  4. Inaan iska dhowrno wax allaale wixii facaa’iI ah ee madax-bannaanideenna wax yeelaya, inagana fogeyn karaya ra’yal-caalamka adduuneynaha oo aynu ficil ahaan u muujinno inaan diiddan nahay wixii leh saansaan argaggixisannimo iyo faro-gelin arrimaha daakhiliga ah ee dalal kale, innaga oo aan marnaba oggolaanayn arrimaheenna gudaha oo la soo faro-geliyo,
  5. In dadkeenna qurbaha ku nool si rasmiya oo buuxda loola socdo oo dhibaatooyinka qabsada gacan laga siiyo, Wasaaradda Arrimaha Dibaddana u samayso wax arrimaha dadkeenna qaabbilsan, si’ ay si’ joogto ah dalka ugu xidhmaan,

Arrimaha Bulshada:

  1. In si’ caadiya loogu celiyo nolosha ummadda deg-deg, dib loogu bilaabo adeegyadii bulsho ahaaneed ee lagama-maarmaanka ahaa sida: tacliinta, daryeelka caafimaadka, korontaynta, biyo-gelinta magaalooyinka, hawlaha is-gaadhsiinta gudaha iyo dibadda,
  2. In mudnaan gaar ah la siiyo daryeelka iyo xannaanaynta agoonta iyo naafada ururka, loona sameeyo barnaamaj cad oo isu dhan,

Go’aammo kale:

  1. Iyadoo tan iyo Kal-fadhigii 1aad ee Golaha Dhexe ay shahiideen saddex halyay oo Golaha Dhexe ka tirsanaa oo kala ah:
  • Aadan Saleebaan Cali,
  • Axmed Yuusuf Xuseen,
  • Cabdinaasir Sh. Cali,

Ayna xubin kale oo ah Maxamed Ibraahin Warsame istiqaalad ka bixisay xubinnimada Golaha Dhexe ayuu Kal-fadhigu go’aansaday inuu buuxiyo jagooyinkaa bannaanaaday kuna buuxiyo Mujaahidiinta kala ah:

  • Siciid Yuusuf Cabdi,
  • Maxamed Maxamuud Aadan,
  • Cabdikariim Yuusuf aadan,
  • Siciid Nuur Faarax (Waana siday u kala horreeyaan)

(La soco……………………………………….)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories