HomeGabiley: Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha Wakiillada oo kulan xog-ogaal u...

Gabiley: Qaar ka mid ah xildhibaannada golaha Wakiillada oo kulan xog-ogaal u noqosho ah la yeeshay Cuqaasha Gobolka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankGabiley (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa kormeer hawleed oo ay ugu kuur galayaan xaaladaha kala duwan ee dhinacyada nolosha iyo horumarka ee Gobolka Gabilay iyo xog-ogaal u noqoshada Hay’adaha Dawliga ah ee ka hawl-gala magaalada Gabiley ku yimi shalay. Isla markaana, waxay kulammo la yeesheen Cuqaasha Gobolka iyo Maamulka Dawladda hoose ee Gabiley.

Sida uu ku soo warramayo Weriyaha Ogaal ee Gabilay, Xildhibaannadan oo uu hor kacayey Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, isla markaana ay wehelinayeen Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo gaadhay Gabilay galinkii hore ee shalay ayaa Warbixinno taabanaya dhinacyo badan ka dhagaystay Cuqaasha Gobolka, Kuwaas oo iyaguna ku Mudanayaasha uga warramay halka ay marayaan xaaladaha guud ee Gobolku, ayaa tilmaamay in Gobolku u baahan yahay in wax laga qabto baahiyaha aasaasiga ah ee nolosha.

Caaqil Axmed Cabdillaahi Xareed (Weerer), oo u warramayey Xildhibaannada, ayaa sheegay in aanay Wasaaradaha Dawladda dhexe intooda badani ka hawlgalin Gobolka, marka laga reebo Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, iyo Caddaaladda. Waxa kale oo Caaqilku si gaara farta ugu fiiqay in Wasaaradaha Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha oo si wayn loogu baahnaa aanay gabi ahaanba ku lahayn magaalada Xafiisyo shaqeeya.

Sidoo kale, Chief Caaqil Cabdi Ciidle Amaan, Caaqil Gaydh Cige Geelle, Caaqil Maxamed Cabdi Qawdhan, Caaqil Cabdillaahi Warsame Fariid, Caaqil Canbe Cali Faarax,  iyo Caaqil Yuusuf Cade oo dhammaantood iyaguna kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay inay Gobolka ka jirto Abaar ba’an oo saamaysey Nolosha Dadka iyo duunyada, taasi oo ay hoosta ka xariiqeen in haddii gurmad Qaran loogu hawl-gali waayo inay galaafan karto Nolosha Bini’aadam badan. Waxaanay tilmaameen in abaarta ooi jirta haddana Dadkaa masaakiinta ah laga iibiyo Cawska Banka Wajaale oo lagaga kireeyo Neefkiiba hal dollar (1$) in uu ku daaqo.  Waxa kale oo ay Cuqaashu tilmaameen in xaaladda guud ee Gobolka ee dhinaca Nabad-galyadu ay aad u wanaagsan tahay. Waxa ay sidoo kale soo jeediyeen in wax laga qabto Arrinta Banka Wajaale.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada, oo iyaguna dhinacooda kulankaa ka hadlay, ayaa ku war-galiyey Cuqaasha in Madaxwaynuhu Xildhibaannada Golaha Wakiilada u kala diray Gobollada Dalka oo dhan si ay xogaha jira iyo xaaladaha nolosha dadka iyo duunyadu halka ay marayso wakhtigan xog-ururin uga soo sameeyaan. Waxaanay Mudanayaashu Cuqaasha u ballan-qaadeen inay si dhakhso ah uga soo jawaabi doonaan laba toddobaad gudahood Wasaaradaha ay sheegeen Cuqaashu in aanay ka shaqayn Gobolka Gabilay, gaar ahaan Wasaaradaha Beeraha iyo Xannaanada Xoolaha oo ay xuseen inay muhiim yihiin in laga furo Gabiley oo ay Xafiisyo shaqaynaya ku yeeshaan.

Ugu danbayntii Maayarka Magaalada Gabiley Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Gaydh) iyo Xog-hayaha Dawladda hoose ee Gabiley Cabdiramaan Nuur Abbokor ayaa Xildhibaannada kormeer ku soo mariyey Mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan magaalada. Waxaanay si weyn ugu mahad-celiyeen Xubnahan Weftiga Xildhibaannada Golaha Wakiilada ka socda.

Waa markii ugu horreysay ee tan iyo muddadii la doortay Xildhibaannada Golaha Wakiiladu ee ay kormeer hawleed noocan oo kale ah ku yimaaddaan magaalada Gabilay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories