HomeGabilay -Masuuliyiin Dhawr ah Oo Xabsiga Ladhigay

Gabilay -Masuuliyiin Dhawr ah Oo Xabsiga Ladhigay

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

Taliye ku-xigeenkii Qaybta Bilayska Gobolka Gabiley, Askar dableyaaal iyo Masuuliyiin kale oo xadhig ku mutaystay Saraakiil Itoobiyaan ah oo ay dhawaan ku soo qabteen Kantaroolka Kala-baydh, iyagoo hubaysan..!

astaanta gabilay

YbaGabiley(SLPOST)-Xukuumadda Somaliland ayaa Maanta xabsiga ku gurtay Saraakiil laamaha dawladda ka tirsan iyo Askar ka qayb qaadatay hawl gal dhawaan Kaantaroolka Magaalada Kala-baydh ee Gabiley ku qabtay Saraakiil Itoobiyaan ah oo Hub iyo Gaadiid laga shakiyay somaliland kala soo galay dhinaca Garoowe ee Puntland.

Saraakiishan Itoobiyaanka ah oo markii la qabtay xaga Hargeysa loo soo dhaadhiciyay, dabadeed markii la baadhay la sii daayay, ayaa dareen wayni ka dhashay sababta loogu qaban waayay deegaamada kale ee ay soo mareen ee gudaha dalka ah, waxaanay markii la ogaaday waxa ay yihiin laamaha amniga Somaliland sheegeen inay si qaab daran u socdeen oo gadaal laga shakiyay.

Arrintan oo dhacday muddo haatan laba todobaad laga joogo, ayaa sababtay sida ay saraakiisha Gobolku u xaqiijiyeen Gobanimonews, inay Xukuumaddu xidh-xidho saraakiil tiro badan oo uu ku jiro Taliye ku-xigeenkii qaybta Bilayska ee heer Gobol.

Dadka la xidh-xidhay ayaa kala ah: Dirwalkii maayerka Bashiir quule yuusuf, Askariga ilaaliya maayerka Iid Maxamed Cumar, isuduwaha wasaarada beeraha c/risaaq muxumed Gaboobe(c/risaaq shine), isuduwihii wasaarada waxbarshada iyo tacliinta sare ee gobolka gabiley cali Aadan Bayle, xoghayntii qaybta booliska gabiley khaddar Aareeye iyo Taliye ku-xigeenkii qaybta boolisak Baashe c/laahi cismaan.

Badhasaabka gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahin Geedi oo la sheegay inuu bixiyay amarka lagu soo xidhay saraakiishan ayaan wax tafaasiil ah ka bixin sababta ka dambeysa, sheegayna in Kiiskani baadhis ku jiro.

Itoobiyaankii la xidhay oo dacwooday.

Dublamaasiyiinta Itoobiyaanka ah ayaa la sheegay inay ku doodeen in si xun loola dhaqmay, halka Booliiska iyo Maamulka Gobolka Gabilay ay ku adkeysteen in ay sifo sharci daro ah Dalka ku dhex marayeen, sababta keentay in la qabtaana ay ka dhalatay Hub sharci daro ah oo ay ku siteen baabuurta.

Booliiska Gabilay ayaa lagu amray in ay Dublamaasiyiintan isku soo dhaafiyaan dhinaca Hargeysa, taasoo keentay in isla markii Hargeysa la keenayba Xorriyadooda loo celiyo.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka amniga ayaa sheegay inay ka yimaadeen Nimankaasi dhanka Koonfurta Soomaaliya.

Xigasho-Gobanimonews

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories