HomeFaallo:Sandbursiimo doonka Masuuliyiinta Xukuumada + Saami qaybsiga Ergooyinka + Codadkii xisbigu ka...

Faallo:Sandbursiimo doonka Masuuliyiinta Xukuumada + Saami qaybsiga Ergooyinka + Codadkii xisbigu ka helay Sadexdii doorasho ee gobolada iyo dagmooyinka

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

ciwaanTani iyo xiligii la mudeeyay qabsoomida shirwaynaha saddexaad ee xisbiga kulmiye, waxa isa soo tarayay caqabado iyo khilaafyo horlleh oo inta badan xisbiga kaga imanayay masuuliyiinta xukuumada, kuwaasoo farogalin toos ah iyo mid dadban oo lagu camaalaqayo habsami u socodka hawlaha qabanqaabada shirwaynaha saddexaad ku hayay. Xisbiga oo ka soo gudbay murankii ka dhashay gudidada qaban qaabada ayaa kooxdii ku caan baxday doco docaynta xisbiga kulmiye waxay murankii iyo isqab qabsigii u wareejiyeen saami qaybsiga ergooyinka iyagoo heshiiskii ay gaadheen golaha fulinta iyo hogaanka xisbigu  ee lagu ansixiyey tirada ergooyinka iyo Nidaamka  ergada lagu qaybsanayo oo ah codadkii xisbigu ka helay saddexdii doorasho gobolada iyo degmooyinka ay muran iyo qabyaalad ku bilaabeen lana dhextageen gudidii qaban qaabada .

Faalladeenan waxaynu ku iftiimin doonaa, go’amadii ka soo baxay kulankii gudida fullinta ee 12/03/2014kii ee lagu heshiiyay ergooyinka, Waxaynu sidoo kale soo bandhigi doonaa codadkii uu xisbigu ka helay gobolada iyo dagmooyinka saddexdii doorasho ee ugu danbeeyay, sida tii wakiilada ee 2005tii, tii Madaxtooyada ee 2010kii iyo Tii golaha deeganka ee 2012kii, waxaynu is barbardhig ku samayn doonaa ergooyinka uu gobol waliba xaqa u leeyahay marka loo eego codadkii uu kulmiye ka helay iskugaynta saddexdii doorasho, iyo Sadbuursima doonka masuuliyiinta qaranka ugu sareeya ee ay madax martay qabyaaladu

GO’AMADII KA SOO BAXAY KULANKII GUDIDA FULINTA EE 12/03/2014

Kulan ay gudida fulinta ee xisibga kulmiye iskugu timid 11/03/2014 kuna qabsoomay xarunta dhexe ee xisbiga, oo lagaga arinsanayay sidii loo dardargalin lahaa hawlaha diyaargarawga shirwaynaha 3aad ee xisibga kulmiye, ayaa dooda iyo falanqayn dheer ka dib layskula qaatay afar qodob oo kala ah:

  1. Ansixinta xubnihiii badalka kusoo galay guddida qaban qaabada ee shanta xubnood ahaa
  2. kordhinta tirada xubnaha ergada ee ka qayb galaysa shirwaynaha 3aad oo laga dhigay 941 xubnood
  3. Ogolaanshiyaha in gole dhexe loo aqoonsado 50 xubnood oo ururkii xaqsoor ah iyo 20 xubnood oo ururkii jamhuuriga ahaa
  4. Ugu danbayntii waxa laysla ogolaaday in hogaanka  xisbigu xalliyo wixii ku adkaada qaban qaabada dhinaca ergooyinka ee la soo diyaarinayo

Hadaba  akhriste go’ankii gudida fulinta ee gudida qaban qaabada loo gudbiyay si loo dar dar galayo shirwaynaha xisbiga, ergooyinkana lagu qaybsado codadkii xisibigu ka helay gobolada iyo dagmooyinka sida shirwaynihii 2aad ee xisbiga loogu qaybsaday ergooyinka doorashadii parlaimentka ee 2005tii. Hadaba iyadoo shaxdan hoos ku xusani si faah faahsan inoo tusayso gobolkastaaba codka uu xisbigu ka helay iyo inta ergay ee uu xaqa u leeyay, ayaa waxa jirta in madaxwayne ku xigeenka qaranka oo ku fadhiya codkii shacabka ee bari ilaa galbeed, uu u tafo xaytay , sandbursiimo raadinta gobol iyo beelo gaar ah, taas oo cadaalad daro iyo dhabar jab ku ah dadkii codka siiyay iyo habsami u socodka shirwaynaha xisbiga kulmiye, Akhriste bal ku naso shaxdan hoos ku qoran, kana bogo codadka gobolada iyo percentage uu gobolkastaaba xaqa u leeyay, si dagana u dhaado ergayda uu gobolkastaaba xaqa u uyeeshay

SHAXDA CODADKII 3DII DOORASHO

HALKAN GUJI SI AAD SHAXDA SAAMI-QAYBSIGA U AKHRISATO

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories