HomeSomali NewsFaahfaahinta Kulamo Madaxweynaha Somaliland La Qaatay Golaha Wasiirrada iyo Hay'adaha Gargaarka iyo...

Faahfaahinta Kulamo Madaxweynaha Somaliland La Qaatay Golaha Wasiirrada iyo Hay’adaha Gargaarka iyo Horumarinta ee Qatar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Socdaal shaqo ku jira Dalka Qatar, ayaa kulamo kala duwan la qaatay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo hay’adaha horumarka ee dalkaas.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Aadan Cige, waxa uu madaxweynuhu kulamo la qaatay Wasiirul-dowlaha Arrimada Dibadda, Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibadda, madaxda Sanduuqa Horumarinta Qatar iyo sidoo kale madaxda hay’adda Hay’adda Qatar Al-Kheyriya.

War-saxaafadeedka oo lagu faahfaahiyey arrimaha lagaga hadlay afarta kulan, ayaa u qornaa sidan:- “Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalintii 4-aad safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa labadii cisho ee ugu danbeeyey kulamo kala duwan oo muhiim ah la yeeshay Masuuliyiin sare oo ka tirsan Golaha Wasiiradda Dawladda Qatar; Maamulka sare ee Hay’adda Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Development Fund) iyo Hay’adda Qatar Al-Khayriya (Qatar Charity).

Kulammaduna waxa ay u dhaceen sidan soo socota:

1. Kulanka Wasiirul-Dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu waxa ay kulan diblumaasiyadeed la yeesheen Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qatar, Mudane Dr. Maxammed bin Abdulaziz Al-Khulaifi.

Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, oo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, horumarinta iskaashiga dhaqaalaha, horumarinta amniga iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigiisu waxa ay si cad hoosta uga xarriiqeen in Jamhuuriyadda Somaliland aanay haba yaraatee ka tirsanayn Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, balse ay tahay dal ka madax bannaan oo iskeed isu xukumayey 34-kii sano ee ugu dambeeyey.
Kulankan ayaa waxa uu ka tarjumayey waaqiciga xagga diblumaasiyadda ah iyo xidhiidhka togan ee ay Somaliland la leedahay Beesha Caalamka.

2. Kulanka Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibadda Qatar: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigiisu waxa kale oo ay kulan wax-ku-ool-ah la yeesheen Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibedda ee Dawladda Qatar, Mudane Dr. Axmed Maxammed Al-,Sayed.

Wadahadalka ayaa waxa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga u dhexeeya labada dhinac iyo weliba soo jiidashada Maalgashiga Qatar, gaar ahaan xagga Xoolaha, Kalluumeysiga, Beeraha, Batroolka iyo Macdanta, Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tamarta.

Madaxweynaha iyo wefgigiisu waxa ay Wasiirka Arrimaha Ganacsiga Dibedda ee Qatar u iftiimiyeen xaaladaha ganacsi ee fur-furan ee ka jira Somaliland kuwaasi oo la isku hallayn karo, goobta istiraatiijiga ah ee ay Somaliland ku taallo (Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed) oo halbowle u ah isku-xidhka ganacsiga caalamka.

3. Kulanka Sanduuqa Horumarinta Qatar: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftigiisu waxa kale oo ay kulan midho-dhal ah la yeesheen maamulka sare ee Sanduuqa Horumarinta Qatar (Qatar Development Fund-QDF).

Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen taageerada uu Sanduuqa Horumarinta Qatar uu ka gaysan karo horumarinta Somaliland, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, daryeelka caafimaadka, kaabayaasha biyaha, iyo xoojinta shaqo abuurka iyo kobcinta farsamada gacanta ee dhalinyarada Somaliland.

Weftigu waxa ay iftiimiyeen sida ay Somaliland uga go’an tahay iskaashi horumarineed oo hufan, waxa aanay soo dhaweeyeen iskaashi mustaqbalka dhex mara labada dhinac kaasi oo ku wajahan horumarinta hab-nololeedka bulshada iyo horumarinta kobac waara oo aayatiin wacan u leh labada dal.

4. Kulanka Hay’adda Al-Kheyriya ee Qatar: Sida oo kale, weftigii Somaliland ee ku sugnaa Qatar waxa kale oo ay kulan muhiim ah la yeesheen masuulka ugu sarreeya Hay’adda Qatar AL-Khayriya (Qatar Charity), Mudane Yuusuf Ibn Ahmed Alkawaary. Weftigu waxa ay Hay’adda Qatar Al-Khayriya uga mahad naqeen mashaariicda horumarineed iyo kuwa baniaadannimo ee ay Hay’addu ka fuliso Somaliland.

Dhammaan arrimihii labada dhinac ay ka wada hadleen si weyn baa la isugu af gartay. Hay’adda Qatar AL-Khayriya (Qatar Charity) waxa ay dhinacooda ballan qaateen in ay sii labanlaabi doonaan hawlaha gargaarka bini’aadannimo iyo mashaariicda ay ka fuliyaan Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Waxa xusid mudan inaanu Afhayeenka madaxtooyada Somaliland ka mid ahayn weftiga madaxweynaha ee socdaalka ku jooga dalka Qatar.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories