HomeDoorashooyinka Somaliland Oo Lix Jeer ka Qaalisan Kuwa Dalalka Reer Galbeedka

Doorashooyinka Somaliland Oo Lix Jeer ka Qaalisan Kuwa Dalalka Reer Galbeedka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasnadda Dowladda laga bixinayo kharashka doorashooyinka soo socda oo ay isu-diiwaangeliyeen in ka badan 1.2 Milyan oo muwaadin.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi ayaa khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah oo uu ka horjeediyey Goleyaasha sharci-dejinta waxa uu ku soo qaatay Doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan dhammaadka Sannadkan, waxaanu sheegay inay dalka ka dhici doonto doorasho Qiimaha ka qaalisan kuwa ka dhaca Dalalka reer Galbeedka.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu isbarbardhig ku sameeyey kharashka loo qorsheeyey doorashada Somaliland ee Sannadkan iyo kuwa ka qabsooma dalalka Yurub, kuwaas oo marka kharashka guud loo qaybiyo tirada dadka codeynaya ay Somaliland ka badan tahay boqolkiiba 18.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in marka tirada guud ee shacabka isu diiwaangeliyey doorashooyinka Somaliland loo qaybiyo kharashka ku baxaya ay ka dhigan tahay in qof kastaa doorashadu ku taagan tahay 16.5 Dollar halka dalalka reer galbeedka la qiyaaso in doorashadu qof kasta oo codeynaya ku taagan tahay 1 ilaa 3 Dollar, waxaanay tani ka dhigan tahay in Halkii Qof ee ka codeynaya doorashooyinka Somaliland u dhigmo kharashka Lix Qof oo ka codeynaya dooraashooyinka dalalka reer Galbeedka.

“Doorashooyinka hadda innagu soo foolka leh sannadkan waxa isku diwaan-geliyey 1,227,048 muwaadin. Doorashooyinka Miisaaniyadda ku bixi doontaa waxay noqonaysaa lacag dhan $20,000,000, lacagtaasina waxay ka baxaysaa Miisaaniyadda Dawladda ee laga ururiyo cashuur-bixiyayaasha Dalka.

“Inaga marka la isku-qaybiyo inta isu-diiwaan-gelisay doorashooyinka iyo kharashka ku baxaya qofkii codeeyaaba waxa uu taagan $16.5, halka dhammaan dalalka Qaaradda Yurub iyo Maraykanka oo kharashka doorashooyinkoodu u dhaxeeyo $1-3 Doollar halkii qof ee coddeeye ahba,” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Arrintaasi waxay innooga baahan tahay Qaran ahaan in aan dib u qiimeyno nidaamka doorashooyinka iyo kharash bixinta, kana dhigno doorashooyinkeena kuwo kharash ahaanna jaban, wakhti ahaan kooban, nidaam ahaanna hufan.

Dhammaan Axsaabta Qaranka iyo Ururadda Siyaasadda waxaan ugu baaqayaa in ay ku qaabilaan doorashooyinka niyad-samaan, una hogaansamaan shuruucda Doorashooyinka,” sidaas ayuu madaxweynuhu ku sheegay khudbad-sannadeedkiisa dastuuriga ah oo uu ka horjeediyey fadhi wada-jir ah oo ay maanta yeesheen Goleyaasha Wakiillada iyo Guurtida ee Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories