HomeDifaacayaasha Xuquuqda aadamiga oo wargeyska Haatuf ku tilmaamay arrintiisa mid baalmarsan anshaxa...

Difaacayaasha Xuquuqda aadamiga oo wargeyska Haatuf ku tilmaamay arrintiisa mid baalmarsan anshaxa saxaafadda

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Hargaysa(SPOST):-Afhayeenka Ururrada Xuquuqal Insaanka Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bulaale (Saleebaan Xuquuq), ayaa hab-dhaqanka Wargayska madaxa-banaan ee HAATUF ku tilmaamay mid ka leexsan Anshaxa Saxaafadda xorta, isla markaana si cad ugu sifoobay inuu Shaqsiyaad dhinaca saaro

download (16)

Mr Saleebaan Xuquuq warfideenada kula hadlay Caasimadda Hargaysa, ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Wargayska Haatuf iyo Xukuumadda, kaasoo uu sheegay inuu dano dhaqaale salka ku hayo, kadib markii ay baadhis ku sameeyeen eedihii uu Wargayska HAATUF soo daabacay, waxaanu yidhi “Waxaanu bulshada u cadaynaynaa in dagaalka ka dhex oogan Warbaahinta Haatuf iyo Xukuumaddu aanu khusaynin arrimo saxaafadeed, balse ay salka ku hayso dano dhaqaale. Difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland waxay u arkaan Xalka kiiskani inuu ku jiro Dacwad si Madani ah loogu soo oogo Madaxda ama Maamulka Wargayska, balse aanay habboonayn in gebi ahaanba la xidho, waxaanan ku baaqaynaa in fursad loo siiyo iska difaacidda dacwadaas iyo inay Qareeno qabsadaan.” Ayuu yidhi Saleebaan Xaquuq.

Waxa uu Saleebaan Xuquuq sheegay in Guddoomiye Yuusuf cabdi Gaboobe uu Nin ay qaraabo yihiin oo uu magaciisa ku sheegay Yuusuf Cabdilaahi Cumar uu la doonayey in qandaraas dilaalis lagu siiyo Block-yo ku yaalla Somaliland, taasina tahay meesha la iska raacay wasiirka Macdanta. Waxa uu ku adkaystay inaanay jirin Saxaafad lagu xadgudbay iyo xorriyatul qawl lagu tuntay, balse ay arrintu tahay mid salka ku hayso dano dhaqaale oo Masuuliyiinta wargeyska Haatuf iyo Wasaaradda Macdantu isku afgaran waayeen.

Saleebaan Xuquuq ayaa si cad u sheegay in qoraalo iska daba dhacayey oo wargeyska Haatuf iyo Websayt-kiisa Lagu baahinayey ay ahaayeen kuwo baalmarsan anshaxa suuban ee saxaafadda iyo milgaha warbaahineed.

Ugu dambayntii waxa uu Saleebaan Xuquuq ku eedeeyey xukuumadda inay Albaabada iskugu dhufato xarunta Wargeyska Haatuf, waxana uu Xukuumadda ugu baaqay Inay Meheradda Furto oo ay dacwaddeeda wadato, halka uu masuuliyiinta wargeyskana ugu baaqay inay ka Xaadiraan Dacwadaha loo haysto.

Somalilandpost.net

hargeysa/office/somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories