HomeDhaartii Alle, Madaxweyne dhinac maray ! W/Q:Maxamed Sidiiq Dhame

Dhaartii Alle, Madaxweyne dhinac maray ! W/Q:Maxamed Sidiiq Dhame

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Madaxweynaheenna sharfan qalinkiisu wuxuu dulmiyay beel dhan oo dalka ku uumman, xil-magacaabid kasta oo qasriga kasoo baxdaa waxay sadbursiimo iyo saami dheeriya u tahay beelo gaara. Siilaanyo kitaabka Alle wuxuu midigta u saaray inuu shacabkiisa ugu adeegi doono daacadnimo, caddaalad iyo sinnaan. waxaan u arkaa beesha Gabooye ee ka qatan saamigay xaqa u lahaayeen godob in laga garaabo mudan.

 

 

Dadnimada iyo damiir samaantu waxay ku jirtaa in caddaalad darrada laga dhiidhiyo oo aan la daawan. sharaf dhacbay u tahay hoggaankeenna in saamiga beelaha loogu laba iyo saddex goor celinaayo in aan mar qudha la xusin Beesha dhan ee xaqa dastuuriga ah u leh inay helaan saamiga beelaha kale helaan. waxaan ka ahayn Lataliyihii hore ee is-casilay iyo hal wasiir xigeen oo isna is-casilay. intii ka danbaysay labadaa masuul xasuusta qasriga way ka baxeen.

 

 

Dawladnimadennu waxay ku salaysan tahay beelo, saami-qaybsi aan qolo keliya laga tegi karin. beelaha badh sadbursiimo kalay u bu’ayaan, beeshaa sharafta mudan ee Somaliland lixda gobolba degtaana waxay ka oomantahay xilalka xukuumadda ee lagu wadhwadhay.

 

 

Madaxweyne barmadaw iyo boogbay ku tahay taariikhdaada, hoggaamintaada iyo madaxweyne-nimadaada in aanay seefta xilka qaadistaadu karin Wasiirada haybtaada. waa tusaale iyo muraayad laga dheehan doono caddaaladaada la’aantaada iyo sinaan la’aantaada ummaddeed. kow iyo laba maaha inta Digrayto ee aad xil masuul kaga qaadday ee aanad midna ku sadqayn wasiirada maamulkaaga ugu liita.

 

 

Taariikhbay u ahaan lahayd Siilaanyo inuu noqdo madaxweyni u horeeyay ee Beesha Gabooye wasiir buuxa u magacaaba muuse xariiqine wuxuu dhitaystay inuu godbiyay beesha oo aan marqudha xil ay u qalmaan loo magacaabin.

 

 

Ictiraaf iyo umadnimo adduunka laga yaqaanbaynu u halgamayna, 25 gu’ waxa innagu dhex dulman beel dhan oo deegaan, diin iyo dadnimo la wadaaga reer Somaliland.Madaxweyne waa xisaab kuu taal iyo xaq kugu maqan eexda aan qarsoonayni. Nabsiga Siilaanyo, mid saxuu Alle keeni !

 

 

 

W/Q:Maxamed Sidiiq Dhame

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories