Home“Dallada SSE waxay u hambalyaynaysaa Jaaliyada Somaliland ee magaalada Sheffield (UK) hawsha...

“Dallada SSE waxay u hambalyaynaysaa Jaaliyada Somaliland ee magaalada Sheffield (UK) hawsha mudnaanta leh ee ay u qabteen dalkooda iyo dadkooda” – Warsaxaafadeed

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

London (SLpost)- Daladda ay ku midoobeen Ururrada Jaaliyadaha Somaliland ee Qaaradda Yurub (Somaliland Society Europe), ayaa ku hambayeysay jaaliyadda Somaliland ee magaalada Sheffield dedaalka ay u galeen hawl-galka ay kaga midho-dhaliyeen go’aanka ka soo baxay golaha deegaanka magaaladaas ee lagu taageeray Aqoonsiga Madax-bannaanida Somaliland.
War-saxaafadeed ay ku saxeexan yihiin guddiga Dalladdan SSE oo lagu taageerayo go’aankaas, ayaa isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan:-
sse“Golaha deegaanka ee magaalada Sheffield ayaa fadhi ay isugu yimaadeen si guud isugu raacay isla markaana u go’aansadey inay Somaliland u aqoonsadeen dal ahaan. Arrinkan Dallada SSE waxay u aragtaa guul u soo hoyotay Somaliland, maadaama mid ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn UK ay aqoonsadeen jiritaanka dalka Somaliland.
Ugu horreyn bogaadin iyo hambalyo ayaanu u soo gudbinaynaa dhammaan dadka reer Somaliland haddii ay yihiin qurbo jooga iyo haddii ay yihiin dal joogaba. Si gaara ayaanu ugu hambalyaynaa jaaliyada reer Somaliland ee Sheffield iyo mas’uuliyiinta jaaliyadooda oo dedaal iyo hawl laxaad leh arrinkan u galay. Jaaliyada Sheffield waxay muujiyeen karti, waxaanay ku talaabsadeen hawl iyo waajibaad ku dayasho mudan isla markaana waxay markhaati ka tahay tixgelinta iyo miisaanka ay ku leeyihiin magaalada Sheffield ee ay deganyihiin.
Sidoo kale waxaanu u hambalyaynaa isla markaana u mahadnaqaynaa dhammaan mas’uuliyiinta xukuumadda Somaliland ee ka soo qayb galay munaasabada Golaha Deegaanka ee Magaalada Sheffield ay ku aqoonsanayeen dalka Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka UK Cali Adan Cawaale iyo mas’uuliyiinta kaleba. Waxa kale oo aanu u mahadnaqaynaa dhammaan dadkii qurbo jooga ahaa ee soo buuxiyay guriga magaalada looga taliyo gudihiisa iyo dibadiisaba. Waxay aheyd munaasabad taariikhiya oo aynu rajaynayno inay magaalooyin kalena ay ku deydaan haddii ay tahay dalka UK iyo haddii ay tahay adduunka kaleba.
Waxa isweydiin mudan khibrada iyo casharada laga baran karo arrinkan.Waxaynu ognahay in qurbo jooga Somaliland ay sidoo kale awood iyo deganaansho ku leeyihiin magaalooyin kale oo dalka UK Yurubta kaleba. Waxa la soo gaadhay wakhtigii jaaliyadaha reer Somaliland ee UK ama waddamada kale ee Yurub ay xidhiidh iyo wada shaqeyn ka yeelan lahaayeen sidii loo fulin lahaa khibrada iyo waayo aragnimada ka soo baxdey magaalada Sheffield.
Markale ayaanu u hambalyaynaa jaaliyada Somaliland ee Sheffield, waxaanaanu leenahay dedaalkiina halkaa ka sii wada, waana la idiin ogsoonyahay hawsha wacan ee aad dadkiina iyo dalkiinaba u qabateen. Dallada SSE waxay rajaynaysaa in arrinka Sheffield uu inoo noqdo mid ay ka dhashaan dedaalo hor leh oo ay wada shaqeyn iyo wada xidhiidh dheeri ah ka dhex abuura jaaliydaha Somaliland ee qurbaha, wakiilada dibeda ee Somaliland iyo hay’adaha dowliga ah ee arrinkani khuseeyo.

Alle ayaa mahad leh,
Guddiga fulinta ee Dallada SSE

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories