HomeDalku Jar Buu Ka Lushaa Ee Yaa U Cid Ah?. Q.2aad- W/Q:...

Dalku Jar Buu Ka Lushaa Ee Yaa U Cid Ah?. Q.2aad- W/Q: Xuseen Xasan Bad-maax

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Afeef:

 

 

Anigoo ka duulaya dhaqamada cusub ee dalka ka jira waxaan ka afeefanayaa qormadan ulama jeedo cid gaar ah,ulamana jeedo kooxo gaar ah balse waxa qalbigayga guba oo aragtidayda damqa hab-dhaqanka siyaasadeed ee dalkan lagu hogaaminaayay tan iyo intii aynu gooni isu taagnay.

 

Hadaan ka sii amba qaado kobtii aan ku joojiyay qaybtii hore mar haday marin habaabintii fulintu saamayn ku yeelatay qaabkii dhismaha iyo ku-dhaqankii dimuqraadiyada ee xisbiyada qaranka iyana waxay ku saloobeen beelo,tanina waxay keentay inay xisbiyadiina adeegsadaan beelaha oo kalsoonidii loo qabay luntay.Halkaas ayaynu ku aasnay kobcintii dimuqraadiyada iyo ku dhaqankii dastuurka iyo xeerarka dalka u yaal.Waataa shirarka beelahu lagu qabanayo degaan walba.Halkaa waxaynu ku gawracnay qaabkii dawladnimo.Mana shaqaynayso dawladii beelo la’aan maanta.Waxaana lumay kalsoonidii loo hayay xukuumada.Shacabkii ku dhiiran lahaa isbedel waa kaa u kala baxay beelaha ee ka mashquulay la xisaabtankii dawlada iyo wakiilada codkooda ku fadhiya.

 

Hadaba maxaa u sabab ah inay inaga qaloocato dawladnimadii? Aragtidayda gaabani waxay ii tilmaamaysaa:

 

1.Siyaasiyiintii dugsiga siyaasada ee hore oo weli hogaanka dalka isu bedelaysa.

 

2.Siyaasadooda oo ku fadhida qaybi oo xukun.

 

3.Beelaha oo ku tartamaya waa markayagii.

 

4.Beelaha oo beel kastaaba ku kalsoontahay siyaasigooda hore.

 

Maxaa lagaga baxayaa xaaladan dib inoogu celisay beelaha?

 

Waxay ila tahay:

 

Shacabka:

 

1.Shacabku waa inuu miyirsadaa oo Allaah loo noqdo.

 

2.Qof wal oo dalkan u dhashay waa inuu daljirnimada ka horaysiiyaa qabiilka.

 

3.Shacabku waa inuu bartaa codkoodu inuu yahay ka dalka dumin kara ama cadaalad

 

Ku hogaamin kara.

 

4.Shacabku waa inuu isbedel ku sameeyaa qaabka xulashada wakiilada iyo degaanka

 

oo loo bedelaa qaabka degmo(County).

 

Xisbiyada:

 

1.Xisbiyada qaranku waa inay gudahooda ku sameeyaan isbedel dhab ah:

 

  1. b) waa inay keenaan hab-siyaasadeed cusub oo xaqiijiya jiritaanka dalkan.
  2. t) waa inay toosiyaan hab-dhaqanka maamul ee gudahooda.
  3. j) waa inay xaqiijiyaan ku dhaqanka xeerarkooda iyo kuwa qarankaba.
  4. x) waa in xisbiyada dhexdooda laga curiyaa lagagana dhabeeyaa ku-dhaqanka

 

dimuqraadiyada,si loo helo talo wadaag.

 

Kh)Xubnaha xisbiyadu waa u meel dayaan xulashada musharaxiinta hogaaminta dalka

 

si loo helo hogaamiyayaal cadaalad dalka ka curiya cadaalad,kana saari kara hab-

 

beeleedka,nin jeclaysiga iyo keli-talisnimada dalka ku caan baaxday 25ka gu’.

 

Waxaan ku soo afjarayaa dadkaygoow dhab u ogaada inaynu jid qaldan hayno,ogaada dawlad xumi ama wanaagsani inay ka timaado ugu horayn shacabka iyo hab-dhaqanka xisbiyada qaranka. Tolaayeey dawladnimo wax kama tarto inay kala tuurto mooyee…toosiya xaajada kana dhawra xajiimaha qabyaalada.

 

La Soco…………..

 

Xuseen Xasan Badmaax

 

Hargeysa/JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories