HomeDalalka Somaliland Ka Taageera Dimuqraadiyadda Oo Hargeysa Ku Soo Socda, Iyagoo...

Dalalka Somaliland Ka Taageera Dimuqraadiyadda Oo Hargeysa Ku Soo Socda, Iyagoo Ka Walaacsan Muddo Kordhin

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Hargeysa  (SL.Post) Dalalka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland ayaa ku soo socda magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyagoo ka walaacsan go’aanka la filayo inuu Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyo golaha wakiilada ee ah in labada doorasho la kala qaado, golaha wakiiladana loo kordhiyo muddo laba sannadood ah.

 

Dalalka Taageera Dimuqraadiyadda Somaliland Oo Hargeysa Ku Soo Socda Iyagoo Ka Walaacsan Muddo Kordhin Madaxweynuhu U Samaynayo Golaha Wakiilada

 

 

 

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in dalalkan oo uu fadhigoodu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, la filayo inay toddobaadkan soo gaadhaan magaalada Hargeysa si ay kulan ula yeeshaan Madaxweyne Silaanyo, guddiga doorashooyinka iyo asxaabta qaranka, waxaanay dhinacyadan soo gaadhsiinayaan dhambaal walaac ah oo ay ku muujinayaan mawqifkooda labada doorasho oo la kala reebo.

 

 

Ilahani waxay intaas ku dareen suurtogalnimada in beesha caalamku kaga dhabayso hanjabaad ay hore ugu sheegeen masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo ah inaanay doorashada madaxtooyadana maalgelin doonin haddii la kala qaado labada doorasho.

 

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa sida ay warar soo baxayaa sheegayaan wuxuu golaha wakiilada u gudbin doonaa soo jeedin uu kaga dalbanayo inay ansixiyaan in la kala qaado labada doorasho ee madaxtooyada iyo golaha wakiilada, dibna loo dhigo doorashada golaha wakiilada oo muddo laba sanno ah loo kordhiyo xildhibaanada hadda fadhiya oo la doortay sannadkii 2005.

 

 

 

Dad badan oo aqoon u leh xidhiidhka caalamka ayaa aaminsan in golaha wakiilada oo mar kale laba sannadood loo kordhiyo iyo labada dooraho oo la kala qaadaa ay dhaawac u gaysanayso nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland.

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories