HomeCulimada Somaliland oo Shacabka u soo bandhigay Faa'idada leedahay Taakulaynta Dadka Tabaalaysan

Culimada Somaliland oo Shacabka u soo bandhigay Faa’idada leedahay Taakulaynta Dadka Tabaalaysan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) – Culimmada waaweyn ee Somaliland ee loo xil-saaray taakulada dadka ay abaarahu saameeyeen ee Soomaaliya ayaa ummadda islaamka ah, gaar ahaan dadka reer Somaliland ugu baaqay inay sadaqadooda iyo zakaadkooda ay ku taageeraan dadka tabaalaysan.

Culimadu waxay sharraxaad balaadhan ka bixiyeen axkaamta la xidhiidha sadaqada iyo sida ay zakadu ugu baxayso dadka muslimiinta ah ee dhibaantaysan ee ku dhaqan guud ahaan dunida dacalladeeda.

Culimmada hadalkooda iyo warbixinta halka ay wax u marayaan ku qabteen caasimadda iyaga oo la hadlayay  warbaahinta kala duwan ee  caasimada Hargeysa, waxayna si weyn u soo bandhigeen aayaadka Qur’aanka Kariim ah ee la xidhiidha amaawiirta Illaahay ku amray addoomadiisa muuminiinta ah inay isku naxariistaan oo dadka masaakiinta ah ay si gaara ugu naxariistaan, waxa kale oo culimada Somaliand ay si cad u bayaamiyeen in taakulada loo gaysanayo dadka abaarunhu hayaan ee Soomaaliya ay tahay adeecidda iyo fulinta awaamiirta Alle.

Ugu horeyn, waxa halkaasi ka hadalay Sheekh Maxmed Aadan Muxumed waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Annagu ka culimmo ahaan waxaanu mar walba ka hadalnaa wixii ummada u dana, arrinka taakuladu dadka dhibaataysanina ma ahan arrin siyaasadeed ee waa arin sadaqo, waana arrin aanu diinta caddeyn ugu hayno, ummaddan waxaanu ugu bandhiganay si wanaagsan wayna naga aqbaleen, wayna ku mahadsan yihiin. Aniga oo runtii aad u dhiiri-galina in la taageero dadkeena abaaraysan, haddana adigoo baahida daboolay ama ay ku hafisay ayay shareecada islaamku ku amartay in dadka kaa daran aad taageerto.”

Waxaa kaloo isaguna halkaas ka hadlay Sheekh Maxamed Cali Gadhle, wuxuuna yidhi, “Walaalayaal dadka dhibaateysan ee aynu walaalaha nahay ee baahida hayso ee aduunka oo dhan looga soo gurmanayo waxaan qaadanay inaynu wixii aynu ku tari karno ku tarno – maadaama ay walaaldeen yihiin aanan dunida ka xigto. Innaguna ka culimmo ahaan taas ayaanu ummadda ku boorinaynaa oo aanu u sheegaynaa in aakhiraaadooda ay faa’iido ugu jirto, waxaanu dadka u sheegaynaa in wixii zako ah ama sadaqo kaleba ah ay diin ahaan u bixiyaan.” Wuxuuna Sheekhu hadalkiisa ku xoojiyay aayado Qur;aan iyo Axaadiis saxiix ah oo la xidhiidha xukunka sadanaqa, zakada iyo dadka ay ku waajibayso.

Ugu dambayn, waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed isla markaana ah afhayeenka gudiga culummada wuxuuna sheegay inay ka xukuumad ahaan ka go’an tahay taakulada dadka tabaalaysan.

Somalilnadpost.net

Hargeysa News Desk

Somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories