HomeDAAWO MUUQAAL laga duubay Meydadka Tahriibayaal Somali iyo Eritrean isugu jira oo...

DAAWO MUUQAAL laga duubay Meydadka Tahriibayaal Somali iyo Eritrean isugu jira oo Badda Hoosteeda ku jira iyo Tirada Muhaajiriinta todobaadkii u dambeeyey ku geeriyooday laba shil oo Naxdin leh

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

Rome (SLpost)- Waxa ay ahayd bishii sagaalaad ee Sannadkii hore oo Xeebaha dalka Talyaaniga gaar ahaan Jasiirrada Lampedusa, ay ku qaraq-meen tahriibayaal isugu jiray Soomaali iyo Eretrian, ka dib markii Doontii ay saarnaayeen Dab Qabsaday iyaga oo masaafo aan fogeyn u jiray xeebta Jasiirrada Lampedusa.

dooniDhacdadaas oo galaafatay nolosha 366 qof oo badankoodu ahaayeen Somali iyo Eritrean, ayaa noqotay masiibadii ugu xumayd ee ka dhacda Badda u dhaxaysa Afrika iyo Yurub tan iyo sannadkii 2000 oo si xawli ah ay u bilaabmeen muhaajiriinta sida sharci-darrada ah ku galaya qaaradda Yurub.

Muuqaallo laga soo qaaday Badda Gunteeda maalmo ka dib markii ay doonto Degtay, ayaa markii u horreysay lagu baahiyey saxaafadda qaaradda Yurub gaar ahaan kuwa Talyaaniga, waxaana muuqaalkani soo bandhigay dhammaan dadkii ku halligmay masiibadaas oo meydadkooda yaallaan sagxadda hoose ee Badda.

Meydadka badda gunteeda ku hoos jira waxa ka mid ah Wiil iyo gabadh aan la aqoonsan jinsiyadahooda oo sidii laba qof oo is-garab hurda meydadkooda isu-garab yaallaan. Waxaanay sawirradani bannaanka u soo baxeen todobaadkan oo laba dhacdo oo nolosha tobanaan qof galaaftay ka dhaceen xeebaha dalalka Talyaaniga iyo Liibiya.

Dhacdooyinkii u dambeeyey

Doon siddey boqolaal tahriibayaal ah, ayaa todobaadkan ku degtay meel 100 Mayl dhinaca Koonfureed ka xigta jasiiradda Lampedusa. In kasta oo ciidamada Talyaanigu u gurmadeen, haddana waxa meydadkooda la helay 17 qof iyada oo la la’yahay tira badan oo dadkii doonta saarnaa ah.

Isla todobaadkan, waxa meydadkooda la helay 40 qof oo tahriibayaal ah, ka dib markii doontii ay saarnaayeen kula degtay Xeebaha dalka Liibiya meel 50 KM u jirta Caasimadda dalkaas ee Tripoli.

Baahinta Muuqaalkan oo ku soo beegmay masiibooyinka cusub, ayaa dadka soo xusuusiyey dhacdadaas Naxdinta lahayd oo lagu tilmaamay inay taariikh meel uga gashay qaaradda Yurub iyo dhibaatooyinka ka taagan qaaradda Afrika.

Gelinkii hore ee shalay (Khamiis) waxa xeebta dalka Liibiya ku soo caaryey meydka mid ka mid ah tahriibayaal doontii ay saarnaayeen todobaadkan kula qarraqantay meel aan ka fogeyn xeebaha Liibiya. Meydka Ninkan ayaa laga helay xeebta al-Qarboli oo ku taala Bariga magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya.

Meydka Muhaajirkan oo aan ilaa immika la xaqiijin dhalashadiisa, ayaa ka mid ah 17 qof oo meydkooda Badda laga soo saaray, halka 206 qof oo kalena ay badbaadiyeen Maraakiibta Ganacsiga iyo Doonyaha ay wataan ciidamada dalka ilaalada Xeebaha meel u dhaxaysa Biyaha Caalamiga ah ee u dhexeeya Talyaaniga iyo Liibiya.

tahriibleDhacdadan ku habsatay dadkii saarnaa doonta Qarraqantay oo ilaa immika loo xidhay laba qof, ayaa ku soo beegmay xilli ay dalkaasi Liibiya diyaar ku yihiin inay u doonyo u raacaan Qaaradda Yurub dad tiradooda lagu qiyaasay 800,000 oo u kala dhashay dalalka Afrika iyo Bariga Dhexe.

maydkiisaWarbaahinta dalka Talyaaniga oo soo xiganaysa ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaaniga, ayaa baahiyey inay doonta saarnaayeen ugu yaraan 400 qof, taas oo iftiiminaysa in aan weli meel lagu tiriyo la haynin boqolaal qof oo kale. Waxa la sheegay in tahriibayaasha la badbaadiyey ay ku jireen laba Caruur ah oo udhashay dalka Eretariya kuwaas oo waalidkii dhalay ku jiraan dadka la’ layahay.

Ciidamada Talyaaniga, ayaa ilaa immika dhacadan u qab-qabtay laba qof oo u dhashay dalka Tunisia, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay yihiin Mukhalasiintii dadka ku raray doontan.

 

DAAWO MUUQAALKA

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories