HomeDAAWO: Masuuliyiinta Sar-sare ee Xisbiga UCID oo munaasibad laysku Arkay lagu qaabilay...

DAAWO: Masuuliyiinta Sar-sare ee Xisbiga UCID oo munaasibad laysku Arkay lagu qaabilay iyo Nuxurka Khudbado dhaliilo xambaarsan oo ay ku dureen Xukuumadda Xisbiga Kulmiye

Date:

Related stories

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

London (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) iyo Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbigaas Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo ku wada sugan magaalada London ee Carriga Ingiriiska, ayaa Munaasibad ballaadhan oo soo dhawayn ah xalay ugu sameeyeen magaaaladaas Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta UCID ee dalka Ingiriisku.

DAAWO: Masuuliyiinta Sar-sare ee Xisbiga UCID oo munaasibad laysku Arkay lagu qaabilay iyo Nuxurka Khudbado dhaliilo xambaarsan oo ay ku dureen Xukuumadda Xisbiga KulmiyeMasuuliyiinta Xisbiga UCID oo munaasibadda hadallo duur-xul iyo hogaatusaaleyn isugu jira ka jeediyey, waxa taabteen si qoto-dheerna uga hadleen dhaliilaha dul-hoganaya nidaamka maamul ee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.

Waxa munaasibadda ka hadlay Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee xisbiga UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray) oo madashaas ka jeediyey hadallo hoga-tusaaleyn ah oo uu ku dhaliilay xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo uu xubin fir-fircoon ka ahaan jiray ka hor intii aanu ku biiran Xisbiga mucaaradka ah ee UCID

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Murashaxa madax-tinimada ee Xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo halkaas warramay xaaladda Xisbiga ee wakhtigan, waxaanu sheegay inuu ku rejo-weyn yahay in Xisbiga UCID doorashooyinka soo socda guul-weyn oo la taaban karo ka soo hoyn doono shacabka, isaga oo taas ku sababeeyey inuu haysto taageerada Haweenka iyo Dhalinyarada.

Murashaxa madax-tinimada ee UCID waxa uu tafaasiil ka bixiyey doorka ay xisbiga ahaan ka qaadan doonaan isbeddelka dhinaca horumarka iyo wax-ka-qabasashada shaqada la’aanta dhalinta ee ay ka samayn doonaan daloka hadii ay talada dalka ku guulaystaan.

Gebo-gabadii munaasibadda waxa ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo halkaas ka jeediyey khudbad soo jiidatay dareenka taageerayaashii ka qayb-galay munaasibaddaas, isaga oo dhinacyo badan ka taabtay gol-daloolooyinka ka jira nidaamka maamul ee xukuumadda Kulmiye.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories