Daahir Rayaale oo go’aan cid gaar ah u danaynaya ku laalay tartankii murashaxiinta Xisbiga UDUB

Must Read

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011.

Hargeysa, (SLpost)- Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB ayaa si rasmi ah u laalay tartankii murashaxiinta Xisbiga ka dib markii sida muuqata uu xisbigu soo food-saartay xaalad burbur iyo kala tag ah.

Go’aan uu guddoomiyuhu ku socodsiiyey ku-xigeenka Guddoonka Xisbiga Axmed Yuusuf Yaasiin iyo ku simaha Xoghaya Xisbiga Cabdixaliim, wuxuu la socodsiiyey bahayweynta xisbiga inuu go’aan ku qaatay badbaadinta iyo jiritaanka Xisbigooda.

“Waxa muuqata in Xisbiga UDUB qarka u saran yahay burbur uu sababay tartanka Murashaxnimo, mana muuqato in meel dhexe la isugu imanaayo.

Sidaas darted, bahweynta Xisbiga UDUB waxaan la socodsiinayaa in aan laalay murashaxnimada wakhtigan iyadoo aan qaban doono haddii Eebe yidhaahdo doorashada Deegaanka ka dib oo aan guddoonka kala xulista murashaxiinta madaxweyne iyo ku-xigeenkaba aan u joogi doono, haddii Eebbe yidhaahdo.

Xisbiga UDUB in la badbaadiyo ayaan go’aankan u qaata si aanay u dhicin talo wiiqda midnimada bahweynta Xisbiga UDUB.

Dhammaan Xubnaha Xisbiga UDUB waxaan ku boorinayaa in ay go’aankan guddoomaan, salaam iyo duco iga guddooma sannadka cusub.”

Go’aan uu qaatay guddoomiyaha Xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka dambeeyey ka dib muran iyo khilaaf culus uu kala dhex galay ku-simaha guddoomiyaha Xisbiga iyo qaar ka mid ah maaganayaasha murashaxnimada xisbiga, ka dib markii ay isku khilaafeen hantida laga haynayo cidda murashaxa ah.

- Advertisement -

Latest News

He spied on Al-Shabaab for Ethiopia, then Ethiopia imprisoned him

This is the extraordinary story of an Ethiopian military intelligence operative who spent nearly three years undercover inside Al-Shabaab,...
- Advertisement -

More Articles Like This