HomeCali Waran-cadde oo meeshaka saaray Tuhunnadii laga qabay una jawaabay Muuse Biixi

Cali Waran-cadde oo meeshaka saaray Tuhunnadii laga qabay una jawaabay Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SLpost)- Guddoomiyaha Siyaasadda Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB Cali Maxamed Warrancade ayaa ka cudur-daartay qabashada jagada Wasiirka Daakhiliga oo uu dhawaan iska casilay Dr. Gaboose, taasoo maalmihii u dambeeyay la hadal-hayay in loo magacaabayo Cali Warrancade, isla markaana Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi uu shaaciyay inuu kala hadlay arrintaas.

blankCali Warrancade oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hutel Xamdi ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu doonayo ka midho-dhalinta Musharaxnimo ee Madaxweyne oo uu hore ugu dhawaaqay inuu u taagan yahay, waxaanu uga mahadceliyay cid kasta oo la jeclayd waqtigan inuu qabto jagada Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland.

Guddoomiyaha Siyaasadda Xisbiga Mucaaradka UDUB Cali Maxamed Warrancade, waxa uu xusay inuu aaminsan yahay inuu qaban karo wax ka badan jagada Wasiirka Daakhiliga haddii uu ku guulaysto jagada Madaxweynenimo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi: “Anigoo runtii aad iyo aad u jecel inaan u shaqeeyo Qarankayga mar kasta, hadaan xil hayo iyo haddaanan haynba, arrinta suuqa u soo baxday haddii aan isu miisaamay waxaan u arkay jagada maanta aan caddeeyay ee musharaxa Madaxweyne iyo Wasiirka Daakhiliga oo runtii hawl aad iyo aad u adag ah, markaa cid kasta oo ila jeclayd, cid kasta oo aaminsan inaan qabto, cid kasta oo lahayd bal arrintaas ka fiirso, aniga oo dhamaantood u mahadcelinaya waxaan leeyahay labadaa hawlood laba hawlood oo is-gali karaya maaha.” ayuu yidhi  Cali Maxamed Warrancade.

“Saaxiibkay Muuse Biixi haddii uu ila jeclaaday inaan xukuumadda maanta talada haysa wasiir ka noqdo, waxaan u ballan-qaadayaa haddaan doorashada ku guulaysto oo aan madaxweyne noqdo, inaan wasiir fiican ka dhigo,” ayuu hadalkiisa raaciyay Mr. Waran-cade

Waxaanu intaa ku daray, isagoo carrabaabay qorshihiisa siyaasaddeed ee mustaqbalka. “Markaa shacabka reer Somaliland, Dawlada iyo saaxiibaday oo uu ka mid yahay Muuse oo xalay Telefishanka ka hadlay oo sida uu sheegay aanu saaxiib nahay, waxaan leeyahay laba la isku qaban karayo maaha, dalka inaan khiyaameeyo maaha, markaa waxaan jecelahay inaan u go’o oo aan ka midho-dhaliyo musharaxnimada oo aan insha allah isleeyahay wax ka badan Wasiirul-daakhiliga haddii aad ku guulaysato ayaad ummada u qaban kartaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Siyaasadda Xisbiga UDUB Cali Maxamed Warrancade.

Somalilandpost.net

somalilandpost08@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories