HomeBoqortooyada Sucuudiga oo dalbaday in Albaabada loo laabo telefishanka Al-jazeera iyo jawaabta...

Boqortooyada Sucuudiga oo dalbaday in Albaabada loo laabo telefishanka Al-jazeera iyo jawaabta dalka Qatar ka bixiyey

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Dubai (SLpost)- Dalka  Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay inuu ka dalbaday dalka Qatar inay xidhaan telefishanka  Al Jazeera iyo laba hay’adood oo cilmi-baadhis qaabilsan kulan dhowaan waddamada iskaashiga Khaliijku yeesheen.

Wakaalada wararka Faransiiska ee AFP oo soo xiganaysay ilo ku dhow kulankaa, Sacuudiga ayaa dalbaday xidhitaanka telefishanka AlJazeera iyo labada hay’adood ee Brookings Doha Centre iyo Arab Centre for Research and Policy Studies.

boqortooyadaKa dib kulan hadalo kulul laysku dhaafsaday oo 5-tii bishan waddamada iskaashiga Khaliijku yeesheen, ayaa dalalka Sacuudiga, Bahrain iyo Imaaraadka Carabtu u yeedheen safiirada u joogay dalka Qatar oo ay ku eedeeyeen inay faragelin ku hayso arrimahooda gudaha, taageerana u fidiso ururka Ikhwaan Muslimiin.

Ilo-wareedyada ay Wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay, ayaa sheegay in Wasiirka Khaarajiga Sacuudigu Saud Al Faisal ka dalbaday xukuumadda Doha inay Xidho telefishanka Al-Jazeera oo xaruntiisu tahay dalka Qadar, kaas oo ay ku eedeeyeen inuu warar kacdoon ah ku ah maamuladooda ka baahiyo.

Sidoo kale ilahaa ayaa raaciyey in wasiirka Khaarajiga Qatar uu dalabkaas kaga jawaab-celiyey inuu yahay faragelin siyaasada gudaha ee dalkiisa oo lagu soo xad-gudbay.

Dhaleecaymo hore loogu soo jeediyey telefishanka AlJazeera ayaa tilmaamay in wararkiisu dheelitirnayn, laguna buunbuuniyo ururka Ikhwaan Muslimiin, isla markaana weriyeyaal ka tirsan telefishankaasi oo lagu eedeynayo taageeradooda Ikhwaan Muslimiin maxkamad kaga socoto dalka Masar.

Inta badan waddamada Khaliijka Carabta ayaa taageeray inqilaabkii milateriga ee Masar xukunka kaga tureen Madaxweyne Mursi, dhaqaale badana u yaboohay, halka dalka Qatar u muuqday inay gudhayso taageeradiisi balaadhanayd ee madaxweyne Mursi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories