HomeBooliska TFG iyo AMISOM oo soo saaray Hub ay Al-Shabaab ku kaydsatay...

Booliska TFG iyo AMISOM oo soo saaray Hub ay Al-Shabaab ku kaydsatay Muqdisho

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Muqdisho (SLpost)- Ciidammada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ciidammadooda oo garabsanaya Booliiska Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya ay dibadda u soo saareen Hub badan oo ay Malleeshiyada Al-Shabaab ku keydsanaysay Suuqa Bakaaraha ee magaaladaas.

Hubka kaydka ah ee ay AMISOM iyo Booliska DKMG ahi soo saareen ayaa u badan Gantaalo ay kasoo saareen Suuqa weyn ee Bakaaraha imcihii lasoo dhaafay, iyagoo sheegay in hubka loo adeegsan jiray in laga sameeyo walxaha qarxa. War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Taliska Ciidammada AMISOM ee Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Ciidamada Booliiska Soomaaliya ay howlgallo lagu raadinayo hub iyo waxyaabaha qaraxa ay ka sameeyeen goobihii ay ka baxday Al-shabaab.

Hubka la soo saaray ayay AMISOM ku sheegtay inay gaadhayaan 137 Gantaal oo cabbirkoodu yahay 155mm. Iyadoo Afhayeenka AMISOM uu sheegay in tan iyo intii ay Al-shabaab la dagaallamaysay dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM ay sheegi jirtay inaanay haysan madaafiic ay wax ku duqeyso. “Al-shabaab waxay kaydsadeen hub u badan iyo rasaas. Hubkan lasoo saaray wuxuu caddeyn u yahay sida ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ay uga shaqeynayaan sidii ay dibadda u soo dhigi lahaayeen waxyaabaha ay Al-shabaab ku qarsatay Muqdisho si ay mar kale dhibaatooyin ugu abuurto. Waxaa la joogaa xilligii ammaanka magaalada la adkeyn lahaa, gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ah halbowlaha Ganacsiga Caasimadda, iyadoo dadweynuhu ay billaabi doonaan inay dib ugu Ganacsadaan.” ,” ayuu Afhayeenka AMISOM Lt Col. Paddy Ankunda ku yidhi War-Saxaafadeedkiisa. Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegya in ciidamadooda oo ka kooban 9,000 askari ay ka shaqeynayaan sidii ay gacan u geysan lahaayeen sugidda ammaanka Muqdisho, halkaasoo ay dhawaan soo gaadheen dad barakacayaal ah oo doonaya gargaar bani’aadamnimo.

Col. Ankunda wuxuu sheegay in ciidamadooda ay ka shaqeyn doonaan sidii ay uga nadiifin lahaayeen magaalada Muqdisho hubka ku qarsoon, isagoo qiray inay weli jiraan culeys ay kala kulmayaan sugidda ammaanka magaalada Muqdisho.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories