HomeBerbera: Khasaaraha askar bam-gacmeed lagu weeraray

Berbera: Khasaaraha askar bam-gacmeed lagu weeraray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Berbera (SLpost)-Shan Askari oo ka tirsan Ciidammada Booliska magaalada Berbera ayaa dhaawacyo soo gaadheen, kadib markii Askartaas oo hawlgal ku jiray shalay ay Bambo gacmeed ku tureen niman si sharci-darro ah uga ganacsada Biraha gaboobay ee Iskiraabka looyaqaanno.

Shanta Askari ee uu dhaawacu soo gaadhay ayaa waxa ka mid ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dekedda Berbera Raage Jaamac oo dhaawaciisu culus yahay, kuwaasoo dhaawacooda lagu dawaynayo Cusbitaalka guud ee magaalada Berbera. Ciidanka Booliska ayuu shilkani la kulmay ka dib markii iyaga oo ku jira hawlgal lagu baadi goobayay niman isku dayay inay biro iskiraaba oo ay dawladdu leedahay ka qaataan agagaarka guriga Martida ee magaalada Berbera, kuwaasi oo iyagu iska difaacayay Ciidanka, ayaa Baabuur Boolisku watay u adeegsaday Bambo-gacmeed ay ku tureen, isla markaana waxa uu Bamkaasi sababay dhaawaca shantaa Askari ee Booliska oo saarnaa gaadhigii ay Boolisku wateen.

Ciidamada ayaa saddex nin u soo qabtay falkaasi waxaanay illaa hadda ku daba-jiraan cidda kale ee gacanta ku lahayd falkaasi.

Dhinaca kale, nimanka iskaraabka qodanayay ayaa sida ay sheegayaan wararka ku dhadhaw Booliska Berbera waxay hore ugu wargeliyeen inaanay wax Iskaraab ah ka qodan Karin goobta dhacdadani ka dhacday, hase yeeshe, waxa warku tibaaxay inay nimankaas dhaawacyada geystay iska indha-tireen wargelinta Booliska, kuwaasoo sida la sheegay u soo diyaar-garoobay in ay dagaal kala hortagaan cidkasta oo isku dayda inay iska hor-taagto gurashada Iskaraabkaas.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories