HomeBeesha Caalamka Oo Laga Dalbaday Ku-dhawaaqista Aqoonsiga Somaliland

Beesha Caalamka Oo Laga Dalbaday Ku-dhawaaqista Aqoonsiga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Aqoonsiga madax-banaanida Somaliland maaha kaliya in la ixtiraamo guulaha ay gaadhay laakiin wuxuu gacan weyn ka geysanayaa xasilloonida iyo iskaashiga Gobolka”

Washington (SLpost)- Ururka Somaliland Strategic Advisory Group (SL-SAG) oo u dhaq-dhaqaaqa qadiyadda madax-banaanida Jamhuuriyadda, ayaa ugu baaqay Shacabka JSL inay soo dhaweeyaan isla markaana u dabbaal-degaan dhammaystirka heshiiska is-afgarad ee Ethiopia, kaas oo ay xuseen inuu baal-dahab ah ka galayo taariikhda Somaliland.

SL-SAG oo fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saareen farriin ugu diray beesha Caalamka oo ay ugu baaqeen in la gaadhay xilligii ay garowshiinyahay ka bixin lahaayeen guulaha ay gaadhay iyo muhiimadda Somaliland u leedahay iskaashiga iyo ammaanka mandaqadda Geeska Afrika.

Ugu horeyn waxa uu Ururku shacabka Somaliland la wadaagay hambalyada 64-guurada ka soo wareegtay xuska maalinta Xornimada Somaliland ee 26-June.

War-saxaafadeedka oo dhammeystiran waxa uu u qornaa sidan:-

Iyadoo lagu jiro Sannad-guurada 64-aad ee ka soo wareegtay wakhtigii ay xoriyadda qaadatay Somaliland, urur Somaliland Strategic Advisory Group (SL-SAG) wuxuu si sharaf ku dheehan tahay ugu dabaal-dagayaan guushan taariikhiga ah, Haddaanu nahay reer Somaliland ee ku nool Maraykanka, waxaanu ka midaysanahay qadiyaddayada annagoo garbaha is-haysana. Waxaanu dhambaal hambalyo ah u diraynaa shacabka Somaliland.

26-ka June waxay ku astaysan tahay taariikh muhiimad weyn inoogu fadhida, inagoo xusayna xorriyaddii aynu ka qaadannay gumaystihii Ingiriiska 1960-kii. Maalintani waxay astaan ​​u tahay adkaysiga, hal-adaygga iyo guulaha ay gaadheen shacabka Somaliland. Anagoo ixtiraamayna wixii ina soo maray, waxa sidoo muujinaynaa sida ay nooga go’an tahay inaanu ka midho-dhalinno Somaliland oo beesha caalamku u aqoonsato waddan madax-banaan.

SL-SAG waxa uu beesha Caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan horumarka aan la dafiri karin ee Somaliland ka samaysay dawladnimada dimuqraadiga ah, degenaanshaha dhaqaalaha iyo xuquuqal insaanka. Waxa la gaadhay Waqtigii Aqoonsiga. Somaliland waxay soo bandhigtay awoodda ay u leedahay inay iskood isku maamulaan, waxaynu dhidibbada u taagtay dowladnimo xasiloon, dimuqraadi ah oo horumar gaadhay. Aqoonsiga madax-banaanida Somaliland maaha kaliya in la ixtiraamo guulaha ay gaadhay laakiin wuxuu gacan weyn ka geysanayaa xasilloonida iyo iskaashiga Gobolka.”

“Innagoo dib u milicsannayna sooyaalka taariikheed ee qarankeena, waxa kale oo aynu rajaynaynaa dhamaystirka heshiiska is-afgarad ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo inoo ballan qaadaya in aynu sii xoojinno horumarka iyo iskaashiga innaga dhexeeya.

“Waxaanu dhiirrigelinaynaa dhamaystirka heshiiska is-afgarad ee Itoobiya iyo Somaliland. Heshiiskan waxa laga filayaa inuu:

  • Kor-u-qaadista Xidhiidhka Diblomaasiyadeed: Wuxuu Xoojinayaa xidhiidhka Itoobiya, waxaanu qayb laxaad leh ka qaadanayaa kobcinta iskaashi diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo sal-ballaadhan.
  • Kor-u-qaadista Kobaca Dhaqaalaha: Wuxuu Abuurayaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi oo ay ka faa’iidaystaan labada shacab.
  • Horumarinta Amniga: Wuxuu Dhiirigelinayaa iskaashiga amniga iyo difaaca, ka qayb qaadashada nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.”

“SL-SAG waxa ay mar kale cadaynayaan in fikradda “Somalia oo mid ah” aanay ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee jirta. Dhaqanka iyo taariikhda gaarka u leedahay Somaliland, xasiloonida siyaasadeed, iyo guulaha dimuqraadiyadeed ee Somaliland wuu ka duwan yahay. Beesha Caalamku waa inay garwaaqsato in Somalia oo midaysani aanay suurto gal ahayn, Qaranimada Somaliland-na ay tahay mid sharci ah oo ay lama huraan tahay in garowshiyaheeda la siiyo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories