HomeBeel ka mid ah Beelaha Ugu Miisaanka Culus Gobolka Badhan oo Iclaamisay...

Beel ka mid ah Beelaha Ugu Miisaanka Culus Gobolka Badhan oo Iclaamisay inay Si Buuxda Wax ula Qaybsanayaan Somaliland (+ Sawiro)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Buraan (SLpost)- Shir ka socday Deegaanka Degmada Buraan ee Gobolka Badhan, ayaa la soo gabo gabeeyay isla markaana laga soo saaray Go’aan Siddeed Qodob ka Kooban oo Beesha Gaashaanbuur ee ka tirsan Beel-weynta Warsangeli ay ku go’aansadeen inay Wada Shaqayn rasmi ah la sameeyaan Xukuumada Somaliland .

buraan (1)Shirka Jaraa’id oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Waxgaradka beesha, ayaa lagu shaaciyey gunaanadka shir maalmihii u dambeeyey u soday beeshaas, iyada oo halkaas lagaga dhawaaqay go’aamo ay beeshu gaadhay, kana ka mid ahaayeen in si buuxda beeshu ugu biirto waxna ula qaybsato Jamhuuriyada Somaliland taas bedelkeedana ay joojiyeen dhamaan xidhiidhkii wadashaqayneed ee muddada dheer kala dhexeeyey Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Markii uu soo dhamaaday shirkaad jaraa’id waxaa laga dejiyey calanka Puntland dhamaan goobihii uu sudhnaa sida xarunta maamulka, Saldhiga Booliska, Dugsiga sare iyo Xarunta caafimaadka (MCH) waxaana lagu bedelay calanka Jamhuuriyada Somaliland oo wakhtigan xarumahaas ka dul bananaya.

buraan (3)Beeshu waxay ka digtay farogelinta maamulka Puntland ku hayo Gobolka Badhan iyagoo sheegay in booqashada la qorsheeyey ee Madaxweyne Gaas ku iman doono Degmada Badhan ay tahay mid aan la aqbali doonin oo carqalad ku ah Degnaanshaha iyo Nabadgelayada Gobolka wixii dhibaato ka dhashana uu masuuliyadeeda isagu si gaar ah u qaadi doono.

Qodobbadii ka soo baxay Shirkii wadatashi ee Beesha Gaashaan-buur ee lagu dhawaaqay.

1.  In si buuxda beeshu ugu biirto waxna ula qaybsato Jamhuuriyada Somaliland.

2.  In si buuxda loo jaro dhamaan xidhiidhkii wada-shaqayneed ee ka dhaxeeyey beesha iyo Maamulka Puntland.

3.   In Booqashadii Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ku tegay degamada Laasqoray ay ahayd mid taariikhi ah soo dhoweyna mudan .

4.   In Xuduudaha, Madaxbanaanida iyo Midnimada Somaliland ay yihiin lama taabtaan muqaddas ah Ciidamada Qaran-kuna xil gaar ah iska saaraan sidii ay u sugi lahaayeen.

5. In Booqashada la hadal hayo ee Madaxweynaha Puntland ku iman doono Degmada Badhan ay tahay mid aan la aqbali karin carqaladna ku ah deganaanshaha iyo Nabadgelyada Gobolka wixii dhibaato ka dhashana masuuliyadeeda uu qaadi doono maamulka Garoowe.

6. In dhamaan Xafiisyada maamulka Puntland ee ku yaala Deegaanada beesha (Buraan, Ceelaayo, Balli-busle iyo Cawsane ) irridaha la isugu dhufto muddo bil gudaheed ah-na lagu beddelo xafiisyo dhiggooda ah oo dhanka Somaliland laga soo asteeyey lagana maamulo.

7.  In si gaar ah looga hadlo arrimaha Ciidamada iyo qaramayn-tooda.

8. In la dardargeliyo wadahadala u socda Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Beesha Gaashaan-buur, dhinaca beeshana loo igmaday 11 Xubnood .

Sidoo kale, waxa shir noocan oo kale ahi oo Beelaha ee gobolka Badhan kaga tashanayaan masiirkooda siyaasadeeed laga abaabulayaa degmooyinka Badhan, Hadaaftimo, Xiin-galool, Laasqoray iyo degmooyin Kale, waxaana shirarkaas laga rejaynayaa natiijooyin la mid ah go’aamada ka soo baxay shirka Beesha Gaashaan-buur ka soo saartay degmada Buraan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories