HomeBAMBADII AAN KUU DHIIBAY MA QARXISAY

BAMBADII AAN KUU DHIIBAY MA QARXISAY

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Muqdisho waxa ay wakhtiyada qaar ahaan jirtay Magaalo Qofkasta oo Soomaliyii uu Janto isla markana uu jeclaysto in uu ku Noolaado amma mar uun uu soo arko,balse wakhtigan xaadirka ah Muqdisho waxa ay Daris iyo Dibad yaal u noqotay Qaraxyo iyo Qulqulatooyin aan dhamaad lahayn ,Maalin kasta waxa aad maqlaysaa Qarax ayaa ka dhacay meel Heblaayo ,taasi darteed waxa ay Dadkii Muqdisho noqdeen kuwa markasta Cabsidu ku taagan tahay ,taalabo kasta oo Noloshooda ka mid ahna ka fikira in wuxuun ay dhici donaan.

Waxaa kaloo iyana Cabsi wayn Dadka ku keentay Qaraxyada iyo waxa loo yaqano is Miidaminta oo aan loo Aba yelayn kana dhacaya Goobkasta haday tahay Gobaha Ganacsiga,haday tahay Gobaha Waxbarashada,Isbitalada iyo Dhamaan Suuqyada Dadku ka Dukamaysto .

Hadaad Muqdisho tagto Maanta oo aad Sidato Bacbadaw waxaa dhici karta in lagaa kala cararo amaba ay adiga laftaadu khatar gasho ,waayo waxaa loo qadanayaa in aad Bacdasi iyada ku sidato Walxihii Qarxayay ee Dadka Muqdisho Cabsida aan kala Go’a lahayn ku beeray.

Sheekadan waxa ay dhex martay Laba Nin oo Farsama yaqaan ah kana shaqeeya Samaynta iyo Hagajinta Babuurta Mishiinku ka xumaado,Labada Nin waxaa la kala yidhaa Magacyadooda MAADEY IYO KUUSOW ,Maadey ayaa waxa uu rabaa in Saxiibkii Kuusow uu u dhiibo BOMBO NAAFTO(Bombo naafto ,waa Kucladayar ee Naaftada ka shaqaysiisa Mishiinada)waxaana la rabaa in uu Kuusow soo iibiyo Bumbadaasi Suuqana geeyo ,kadibna waxa uu soo qaday Labadii Bombo waxaanu la yimi Suuqa Bakaraha ,hore ayaa looga iibsan wayay kadibna mid ka mida Bomboyinkii waxa uu kaga yimi Nin ay Saxiib Yihiin si uu usii Iibiyo tii Labaad ayaa waxa uu lasoo Fuulay Basaska Muqdisho Gudaheeda u kala Goosha oo loo yaqano BL amma Caasi.

Sheekadu marka ay halkaasi marayso Ninkii Kuusowna uu BL Baskii Saran yahay ayaa waxa Talafoon kusoo Dhuftay Saaxiibkii Maaday isaga oo doonaya in uu waydiiyo halka uu xaal u marayo iyo In Bomboyinkii uu Qarxiyay (Ibiyay) iyo inkale,Kuusow waxa uu sitaa Moobayl cadilan oo Sameecadu ay ka Xuntahay taasi oo sababaysa in Hadalka Qofka kula soo hadlaya la Maqli karo hadaba maxaa dhacay ,waa kuwan iyagoo wada hadlaya Kuusowna uu Baska Saran yahay Bacmadawdiina Gacanta uu ku Haysto.

MAADEY:-Halow Kuusow Aboowe see tahay ?

KUUSOW:-Waa fiicnahay Aboowe .

MAADEY:-Bambayashii aan kusoo Dhiibay ma Qarxisay???? dadkii oo dhan Dhagaha ayay wada tageen waxa ay Sugayaan Jawaabta Kuusow

KUUSOW:-Maadey Aboowe Maanta Suuqu ma Dad Badnayn ,hasa yeeshee Halkii Bombo ee Yarayd waxaan soo Dhigay Isgoyskii Bakaraha,Bombadi waynaydna wa sida..

MAADEY:-Bakaraha maad uga soo tagtay ,inuu Qarxay iyo in kale war ma ka haysaa ??? xaaladu waxa ay maraysa meel khatara xata Darawalkii gadhiga aya fajacsan.

KUUSOW:-Aboowe Bomkasi Bakaraha aan uga soo tagay marka uu Qarxo Telofon ayaa laygu soo Waca lakiin ilaa hada Wax Qarxay dhagahaygu may Maqlayn.

Saxibayaal arintu halkaa marka ay marayso maxaad filanaysaa amma hadii aad ka mid Noqon lahayd Dadka Baskasi saaran Talabo caynkee ah ayaad qadi lahayd

Dadkii dhamaan waa wada Anfariireen Talo way ku cadatay balse hada ayaa Arintu Faraha ka baxaysaa ”’

MAADEY:-Aboowe Kuusow wakhti ayaa inagu socda markaa waxa loo bahan yahay in hada Mida Bombada ee aad Bacmadawda ku hayso aad Dhakhso u Qarxiso.?????

KUUSOW:-WABEENE WABEENE HADA LEE QARXINABA.””””*********’

HAL MAR AYAA DHAMAAN DADKII BABUURKII OO SOCDA NINKASTA HALKUU ISLAHA WAAD KU BADBADAYSAA AYUU KA BOODAY .XATAA DARAWALKII MA SUGUN IN UU GAADHIGA SI FIICAN U JOOJIYO TALO FARAHA WAY KA HAADAY WAXAA KA DHACDAY ,ILAYN GEED LA QABSADAANA.

Babuurkii uu Gidaar Madaxa ku Dhuftay Dadkii oo dhamaan Babuurkii ka yacay kana Daatay ayaa Ninkii KUUSOW waa uu yabay balse isaga laftiisu waxa uu is yiri Dadkan waxa ay ka Carareen adna maad ka Carartid ilahayn isaga laftiisa Cabsidu way ku Belan tahaye,kadibna waxa uu isaga oo Bacdii Madoobayd la Rooraya ayaa waxa uu Daba Cararay Dadkii ,Arlo way sii dhabaqday WAY ROORI OO UU KA TABA ROORI ,Dadkii waxa ay arkeen Ninkii oo Bacdii madoobayd Ladaba Ordaya yaan laga dherayn ayaa ka dhacday, Kuusow hada ayuu fahmay siday wax u dhaceen iyo in Dadku ka shakiyay Hadalkiisii ahaa BOMBO QARXIS IYO BACMADAW .kadibna dadkii ayuu u Dhawaaqay WAAR BACDA WAXAA IIIGU JIRA ALAAB AAN SUUQA U IIB GAYNAYO WAAAARWAAARWAAAR.

XAMAR HADAAD TAGTO BOMBANA HASOO HADAL QADIN BACMADAWNA HA QAADAN.

W/Q-Qareen.Khadar Ibrahim Aar

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories