HomeSomali NewsSomalilandBaanka Dhexe Oo Suuqyada Sarrifka Ka Saaraya Lacagaha Danabaysan ee Shilinka Somaliland...

Baanka Dhexe Oo Suuqyada Sarrifka Ka Saaraya Lacagaha Danabaysan ee Shilinka Somaliland iyo Saamaynta Ka Dhalatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa war-saxaafadeed uu gelinkii dambe ee maanta soo saaray ku sheegay inay bilaabeen tallaabooyin ay ku xakamaynayaan sicir-bararka isku beddelka lacagaha oo muddooyinkii u dambeeyey faraha ka baxay.

Baanka Dhexe waxa uu sheegay inay Sabtida maanta bilaabeen sidii ay suuqyada sarrifka uga saari lahaayeen Lacagaha Dheeraadka ah ee Shilinka Somaliland, waxaanu Baanku sheegay inuu tallaabadan u marayo iyagoo lacagaha Kaashka ah ee ku jira accounnada Zaad iyo E-dahab ee Sarrifleyaasha ugu beddelaya Lacag Dollar ah.

Nidaamkan oo loo yaqaanno Ka-soo-nuugis, ayaa loo isticmaala in lacagaha Kaashka ah Dollar lagu beddesho ama lagaga sarrifto Telefoonada Sarrifleyaasha ah.

War-saxaafadeed kooban oo Baanka Dhexe soo saaray, ayaa u qornaa sidan:-

“Baanka Dhexe ee JSL waxa uu maanta oo taariikhdu tahay 04.11.2023 bilaabay hawl gal balaadhan oo ujeedadiisu tahay sidii suuqyadda sarrifka looga soo saari lahaa lacagaha shillin-ka Somaliland ee dheeraadka ku ah si la isugu dheelitiro xaddiga lacagaha Somaliland shiilling-ka iyo lacagta Dollarka Maraykanka ee wareegaya suuqyadda Somaliland loona xasiliyo qiimaha heerka sicirka sarrifka.

Baanku Waxa uu ka soo nuugayaa lacagaha danabaysan ee shillinka JSL ee ku jira Mobiladda, waxa kale oo suuqa saaka ka soo ururiyay lacagaha shillinka ah ee ay Sarriflayaashu hayaan.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedka Baanka Dhexe soo saaray, waxa lagu soo lifaaqay Sawirro laga qaaday Lacago Kaash ah oo Baanka Dhexe ka soo nuugay Sarrifleyaasha oo uu dollar ugu beddelay.

Ganacsada ka shaqaysatada Isku-beddelka Lacagaha ayaa markii ay ka war-heleen tallaabadan Baanka Dhexe qaaday, waxa ay account-nadooda ka saareen lacagihi Kaashka ahaa ee ku jiray maadaama aanay isku ahayn xaddiga Sarrifka lacagta ee Baanka Dhexe jaan-gooyey iyo Qiimaha sarrifku ka taagan yahay Suuqa.

Sarrifleyaasha ayaa qaarkood lacagaha Kaashka ah ee telefoonadooda ku jira si ku meel-gaadh ah uga saaray iyagoo Lacagaha u kala dirsaday shaqsiyaad ay ku kalsoon yihiin si ay hadhow ugu soo celiyaan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories