HomeAl-Shabaab oo laga qabsadey Degmada Buulaberde ee gobolka Hiiraan

Al-Shabaab oo laga qabsadey Degmada Buulaberde ee gobolka Hiiraan

Date:

Related stories

Somaliland Education Ministry Faces Questions Over Proposed 4.6% Deduction From Secondary School Fees

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland Ministry of Education and Science...

Ethiopia’s New Armed Alliance and the Growing Shadow of Egypt, Sudan and Eritrea

Addis Ababa (SLpost)- Ethiopia is confronting an increasingly complex...

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somalia(SLPOST) Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ayaa subaxnimadii hore ee maanta (jimce) dagaal ku qaadey degmada ay ku xooganayaayeen ururka al-shabaab ee Buulaberde gobolka Hiiraan Waddada isku xidha Jowhar iyo Hiiraan.

buundada-buulo-barde-348x180

Dagaal aad u culus ayaa ka dhacay banaanka hore iyo tuulooyinka ku dhaw Buulaberde sida ay sheegayaan goobjoogayaal, waxaana dagaalkaa looga awood roonaadey Ciidamada u dagaalamayey ururka al-Shabaab kuwaas oo banaanka uga baxay magaalaada Buulaberde.

Ciidamada Itoobiya, Jabuuti iyo kuwa Dowladda oo ku hubeysan dabaabadaha dagaalka ayaa hadda ku sugan daafaha magaaladav Buulaberde iyo weliba gudaha.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ayaa la sheegayaa in ay horey u dhaafeen magaalada iyaga oo uga baxay dhanka Galbeed halkaas oo la sheegayo in ay u baxsadeen malayshiyaadkii al-Shabaab.

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa la sheegayaa in Buulaberde uu ka bilowdey barakac ay samaynayaan dadka qaarkiis, kuwaas oo qaarkood dagaalka ay ka baxsanayeen, halka kuwo kale ay mar lawada bexeen ururka al-Shabaab.

Magaalada Buuleberde waxaa muddo dheer ka talinaayey ururka al-Shabaab waxaa lagu tilmaami jirey goobaha ay awoodda lixaadka leh ku yeesheen, isla amrkaana ka mid ahaa Saldhigyada laga hago dagaalada al-Shabaab, waxaase muuqata in al-shabaab ay go’aansadeen in dagaalkoodu noqdo ku dhufo oo ka dhaqaaq magaalo kasta oo weyna ay si fudud uga baxaan.

Dagaalka maanta Dowladda federaalku ku qabsatey Buulaberde ayaa qayb ka ah dagaallo muddo lagu goodinaayey oo ballantiisu ahayd sanadkan 2014 in alShabaabd dalka looga saarayo, waxaana uu ka socdaa gobolada Gedo, Bakool iyo Baay.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories