HomeAgaasimaha Guud ee Komishanka Tacliinta Sare oo Kormeer ku Maray Jaamacadaha iyo...

Agaasimaha Guud ee Komishanka Tacliinta Sare oo Kormeer ku Maray Jaamacadaha iyo Gobollada Bari

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Guddiga Tacliinta Sare Ilyaas Faarax Xasan iyo Wefti uu Hogaaminayo, ayaa kormeer laba maalmood qaatay ku tagay gobollada Togdheer iyo Saaxil, waxaanu kulamo la yeeshay madaxda Jaamacadaha qaarkood iyo Xafiisyada Guddiga Heer Qaran ee Tacliinta Sare.

Kormeerka oo ujeeddadiisu ahayd mid uu Agaasimuhu ku dar-dargelinayo hawlaha uu Qaranka u hayo komishanka tacliinta Sare oo madaxweynuhu dhawaan u magacaabay, waxa uu agaasimaha Guud kulamo la qaatay isla markaana warbixinno ka dhegaystay masuuliyiinta Komishanka Tacliinta Sare ee Gobollada Bari ee dalka.

Agaasimaha Guud oo shalay gaadhay Magaalada Burco, ayaa warbixinno uu ka dhegaystay Saraakiisha Guddiga Tacliinta Sare ee Burco kaddib, waxa uu dhinaciisa la wadaagay qorsheyaal hor leh oo lagu dar-dargelinayo hawlaha ay Guddi ahaan qaranka ugu xil-saaran yihiin.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud iyo Xubnaha Guddiga ee socdaalka ku wehelinayey waxa ay kulamo la yeesheen Madaxda Jaamacadaha ka hawlgala magaalada Burco, kuwaas oo is-xog-waraysi kaddib isla qaateen sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta ka dhaxaysa isla markaana loo dabbaqi lahaa qorsheyaasha qaranka ee tayaynta tacliinta Sare ee dalka maadaama Jaamacadaha dalku yihiin muraayadda Aqooneed ee dalka.

Dhankooda, Madaxda Jaamacadaha Magaalada Burco ayaa soo dhaweeyay qorsheyaasha shaqo ee Agaasimuhu ku dar-dargelinayo masuuliyadda shaqo ee Gudiga Tacliinta Sare, waxanay uga mahad-celiyeen socdaalka dar-dargelinta iyo isbarashada ee uu ugu tagay Jaamacadaha Burco xilli uu agaasimuhu shaqada ku Cusub yahay.

blankSidoo kale, waxa uu weftiga Agaasimaha Tacliinta Sare, waxa ay kormeer Indho-indhayn ah ku mareen Jaamacadda Dowladda ee Magaalada Burco, halkaas oo masuuliyiinta jaamacadda kula qaateen kulan dar-dargelin shaqo iyo isbarasho ah.

Weftiga Guddiga Tacliinta Sare waxa u soo kicitimeen dhinaca Gobolka Saaxil, waxaanay kormeer ku galaa-bixiyeen Jaamacadda Culuumta Xoolaha Iyo Beeraha ee Magaalada Sheekh halkaas oo kormeer ay ku Indho-indheeyeen Qaybaha kala duwan ee Jaamacadda kaddib kulan isbarasho iyo dar-dargelin shaqo ah ku dhexmaray maamulka Jaamacadda.

Agaasimaha Guud ee Komishanka heer Qaran ee Tacliinta Sare Ilyaas Faarax Xasan, ayaa xilka la wareegay 3-dii bishan June, 2023 kaddib markii madaxweynuhu xilka ka qaaday agaasimihii hore ee hay’addaas Ibraahim Amiin Gadiid oo xilkan soo hayey laga soo bilaabo 17-kii October, 2021-kii.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories