HomeAbaabulka UNICEF iyo Doorka Dahabshiil ee Taakulada Abaaraha laga Geysanayo

Abaabulka UNICEF iyo Doorka Dahabshiil ee Taakulada Abaaraha laga Geysanayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wargeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska ee caanka ah ee The Guardian ayaa Jimcihii qoray maqaal xiiso badan oo uu ku soo weriyey in Jilaaga caanka ah ee Ewan Mcgregor ee aad loogu bartay musalsallada Star Wars uu guntiga u giigsaday sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamij ay maalgelisey hay’adda UNICEF oo indhaha adduunka loogu soo jiidayo dadka macaluusha iyo dayacu ka soo gaadheen abaaraha daba dheeraaday ee Koonfurta Soomaaliya qaybo waaweyn oo ka mid ah ku habsaday.

blankHay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee Unicef ayaa u adeegsanaysa jilaaga caanka ah ee Ewan McGregor inuu la galo olole qaadhaan loogu yaboohayo malaayiinka qof ee abaaraha daran ku haleeeleen geeska Afrika.

 McGregor, oo ah safiirka Unicef ee UK,  ayaa ka muuqan doona filimaanta isagoo ka codsanaya daawadeyaasha inuu qof walba US$5 kaga soo diro fariin telefoonkiisa, ayaa halku-dhig ku odhan doonaa, “Intaan filimku bilaabmin waxaan doonayaa caawintiina, xilligan 250 caruur ah ayaa ku dhimanaya Soomaaliya maalin walba. Wiil yar ama gabadh yar ayaa lixdii daqiiqadoodba dhimanaysa. Waxa haysta abaar, waxay baahi weyn u qabaan cunto iyo biyo, waan caawin karnaa, waxa la joogaa xilligii aan la qeybsan lahayn”

In badan oo ka tirsan fanaaniinta Afrika ayaa muuqaalo ku soo gudbin doona YouTube-ka ay ugu baaqayaan xukuumadaha iyo shucuubta Afrika inay talaabo qaadaan, si looga jawaabo dhibaatooyinka haleelay Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo sidoo kale qeybo ka tirsan Koonfurta Sudan, Eriteriya iyo Yugandha.

Qaar ka tirsan ganacsatada, sida shirkada Diyaaradaha British Airways, National Bank of Kuwait iyo Eli Lilly, waxay ku yabooheen dhaqaale. Shirkada Dahabshiil, oo xarunteedu ku taal  Whitechapel, East London, waxay ugu deeqeen (in ka badan) $100,000 (£61,477) shacabka abaarahu haleeleen, isla markaana ugu baaqeen shirkadaha ganacsatada caalamka inay waddadooda raacaan.

Mamulahaa Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashiid Ducaale, ayaa sheegay in shirkadooda oo badi qaabilsan diritaanka lacagaha xawaaladaha uu sare u kacay boqolkiiba 10% lacagaha loo diro Bariga Afrika ila markii la shaaciyey in abaaro ba’an ka jiraan bishii hore, inkastoo aanu sheegin xaddiga lacagtaa. Dadka Soomaalida ee dibedaha jooga ayaa Dahabshiil sannad walba ku dira dhaqaale gaadhaya  $1.6 bilyan. Ducaale ayaa sheegay in Soomaalida joogta Ingiriisku isu abaabulayaan sidii ay dhaqaale ugu diri lahaayeen. “Waxay yimaadaan xafiiskayaga iyagoo doonaya inay wax ku yaboohaan si walba, waxay isku abaabulaan maqaaxiyaha, masaajidada, iyo xaafadaha,” ayuu yidhi Duale. “Rabshadihii  London qof walba way taabatay, oo lagu ilaaway abaarahii bariga Afrika, laakiin  jimce walba marka dadku isugu yimaadaan masaajidada waxay hayaan way ku yaboohaan, maantana waxaan filayaa inay waxay hayaan bixin doonaan.”

Ducaale ayaa sheegay  in jawaabo fiican laga helay hay’adaha gargaarka, hogaamiyeyaasha diinta, iyo guud ahaan shacabka Soomaalida, laakiin muhiimada weyn waa in ganacsatadu talaabo weyn qaadaan, “Annagoo ehel iyo qaraabo wada ah,  isku diin iyo dhaqan ah, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada waaweyn inay jeebkooda gacmaha geliyaan oo qaadaan talaabadii ugu danbaysay ee lagu gargaari lahaa dadkaa, weliba inta lagu jiro bishan barakaysan ee ramadaan,” ayuu yidhi.

Ilaa xilligan shacabka Ingiriiska ayaa ku yaboohay dhaqaale gaadhaya £50milyan guddida qaabilsan abaaraha, “Iyadoo xilligan dhibaatooyin ka taagan yihiin Ingiriiska, shacabka Ingiriisku waxay ku faanayaan inay noqdaan kuwa ugu horeeya ee ka jawaabay gargaarka abaaraha bariga Afrika,” ayuu yidhi Brendan Gormley, agaasimaha  DEC. “Laakiin xadiga baahidu way weyn tahay, in ka badan 12 milyan ayaa baahi weyn qaba.  Sida gargaarka shacabka waa in xukuumaduhu ku deydaan. Qaramada midoobay oo gargaar gaadhayey  $2.4bilyan u doonaysay abaaraha ayaa ilaa xilligan helay $1.2bn, wax ka yar boqolkiiba  52%.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories